Asaaskii Boorama; ka Hayaankii Saylac iyo dhextaalkii Jaaraahorato.

WARSANMAG-Waxan qeybtan kaga hadli doona Asaaskii Degmada Borama oo ku soo bilaabantay J/Horato Qarnigii Awalkisi ka dibna loo soo guuray Borama oo ah Maanta Magaalo madaxda Awdal oo Runtii Bedeshay Caaismadii Awdal ee Saylac oo Gumeysigu Baabiiyey Qarnigaa hore.J/Horato waxa la dagay dhamaadkii Qarnigii 19aad dad bayacmushtar oo ka yimid Saylac ayaana Dagay oo ka furay Dukaano iyo makhaayado iwm.Waxa kaloo J/Horato isla Wakhtigaas soo degay Sheekh Muuse Cade(Sheekh Muuse Cade waa uu ugu Dooranaa Dagada Reer nuur eh) oo ahaa Culimadii ka soo qaxday Harar ka dib markii Amxaradu qabsatay 1887.Waxa uu ka Bilaabay J/Horato meel Jamaaco ah oo Cilmiga Diinta Islamka iyo quraankaba lagu barto.Waxa kaloo Sheekhu uu Xaruntisii Jamaacada uu ka bilaabay beero qodashada o uu dadkii reer guuraaga aha baray habka dhulka wax looga soo saaro.Tasoo keentay inay J/Horato noqoto meeshii ugu Horeysay S/Land ee dad xoolo dhaqato ahi ay beeraley noqdaan tasoo ka bilaabantay Dooxa (J/Horato 1905) I.M.Lewis oo arintaa kaga hadlaya buugiisii Pastoral Democracy ayaa waxa uu yidhi “Bilowga qarnigan ayaa beeraha laga bilaabay gobolada woqooyi ee Somaliya gaar ahaan Degmada Borama(J/Horato),Xafiiskii ugu horeeey ee dhinaca beeraha S/Land waxa Degmada Borama laga furay 1926″ .Dhowr sano ka dib ayaa haddaba Amxaaradu ay soo weerartay J/Horato oo noqotay degaan Magaalo,Jamaaco waxbarashada diinta iyo beeruhuba ay ka hanaqaadeen.Xabashidu ma aanay doonayn in wax magaalooyin ah dhulka laga sameeyo ama degaan ah.Waraaqo dhowr ah ayuu Ras Mokonon oo ahaa Governor ki Harar markii xabashidu qabsatay usoo diray saraakiisha ingiriiska ee S/Land isagoo uga digaya inaanay ogoleyn wax magaalo ah in aan laga samayn kareyn dhulkaas.
Iyagoo arintaas ka hortaga ayaa ay xabashidu Qabsataay J/Horato.Caaqil Ismaciil Xaaji Obsiiye oo Da,diisu ahayd markan wareystay 1982 boqol iyo dheraad ayaa ii shegay inuu ahaa wakhtigaas qaan gaadh aha ay xabashidu qabsatay J/horato oo ku beegan 1911.
Muddo laba todobaad ah ka dib ayaa xabashidii laga saaray J/Horato waxana arinkaas iska kaashaday Duqeydii Degaanka oo Hogaaminyey Xaaji Obsiye,Sheekh Muse Cade ,Ducaale, Cabsiiye ,Kibaar Boqore,Wacays Qale,Taani Gaboobe,Hodoon,Dugsiiye,Lo,doon iyo rag kale oo door ah oo anan magacyadooda halkan ku soo koobi karayn iyo ugu dambaystii Wakiilkii Ingiriiska u fadhiyey S/LAND Godfrey ARCHER (Carshe Dheere) oo ciidan usoo diray J/Horato (S/Land Camel Corps)oo ku khasbay Amxaaradii inay meesha ka baxaan.Waxaana odayashu ay culeys ku saareen ingiriiska inuu oofiyo Mucahadii Ingiriiska iyo Gadabuursiga dhex martay Anglo-Gada Treaty of 1884 oo ahayd in wadanka cadawga kale oo qabsada laga ilaaliyo.
Markii Amxaaradii la celiyey ayaa Odayaashu ay Dalbaden in Degmo ama District laga dhigo J/Horato Ciidan iyo maamul Amxaarada ka hortagana la sameeyo.Mudo ayu Ingiriisku arintaa ka warwareegay in District la bixiyo isagoo codsiga Amxaarada Tixgalinaya..Odayaashu ka dib waxay wada tashi la Sameeyeen UGaas Cilmi oo joogay Saylac ahaana duqeydii Saxeexday Heshiiskaas Ingiriiska iyo Gadabuursiga(Anglo-Gada Treaty of 1884).Waxana ay go,aansadeen ina Cilmi Dhere Yimaado J/Horato halkaasna si rasmi ah loogu Boqro oo loo caleemo Saro UGAAS madaama Ugaas Nuur geeriyooday.Arintaas oo soo dedejin doonta in ingiriisku ogolaado Degmadii District isla markaana horjoogsan doonta dhulfidsiga Amxaarada madaama Ugaas Cilmi yahay odayaashii Heshiiskaas ilaalinta dhulka ee Saanta lagu Saxeexay Saylac 1884.
Xafladii Caleemo Saarka Ugaas Cilmi ee J/Horato waxa ka soo qeyb galay Caarshe dheere(Godfrey Archer) oo ahaa wakiilkii ingiriiska ee S/Land.Waxana uu ogoladay in Degmadii uu bixiyo ciidan Camel Corps ahna uu keeno oo ka hortaga xadgudubka amxaarada.Waxa kaloo Carshe Dheere uusoo diray Major Rayne oo ah Sarkal ingiriis ah inuu soo sameeyo Map dhulka Gadabuursiga, Gadaboursi Country isla markana uu talo kasoo bixiyo meel dhex ah oo ku haboon Degmada .Sadex sano ka dib 1920 aya si rasmi loogu dhawaaqay degmadii oo noqotay Borama.Halkaas oo loo doortay meel sadexda reer ee Samaroon u dhex ah oo cidwalba ay sheegankarto MAKAHIIL,MAXADCASE,HABARCARFAAN intuba.1920 aya J/Horato laga soo guuray oo loo soo guuray Borama iyadoo noqotay Degmadii labaad ee S/Land gudaha laga sameeyo ee Hargaysa ku xigay.
Odayaashii arinkaas Sameeyey iyo Ugas Cilmi intuba waxay DEGMADA(Distict) kala soo baxeen laba cadow dhexdood mid Cad iyo mid Madow o aan naxariis lahayn oo dhulkeenii hore usoo qeybsaday.Borama maanta waa xaruntii Samaroon waa magaalo madaxdii Awdal ,waa iftiinkii iyo ileyskii aan ku soo hiranay markii Saylac Mustacmarkii inaga baabiyey.Mahadeeda iyo magaceeda waxa iska leh odayaashaa iyo Ugaaskaas aan kor kusoo xusay oo taariikhda Samaroon Baal dahab ah kaga jira.


Mohamed Dirane
Reference:

Awdal 1884 By:Mohamed Dirane

2 Responses

  1. WALAAL WAXAAN LEEEYAHAY INAANA KU DAALIN BORAMA WAANU WADA LEEENAHAY ANIGOO KU HADLAYA MAGA CAYGA IYO MAGACA GADABUURSI WAAR WAX LAYNAGA QAADANAYAA XEEEBAHIII AAN DOOONANO WAAR SEEEN U DAGNAA LUGHAYA IYO SAYLAC IYO CEEEL GAAL IYO AASHACADO WAAR CIISE IYO ISAAQ WAY NOOO HESHIIIYEEEN

  2. walaal goorma ayay noqotay booram meel gadabuursi u dhex, boorama 1990 ayay noqotay meel gadabuursi u dhex ah. taariikhdeeda so baadh.
    maad ilowday maahmaahdii ahayd. gabdhii soo oyday ee lagag horyimi seraha ee ninkii ka horyimi ku yidhi.
    Muusa fiin ma ka dhalatay ma u dhaxday ma ku dhaleen, maya.maya hadaa oohin waa kuu hanti.
    boorama waxay ahad magaalo habr cafaan gaar ahaan MUusafiin. waxana katalin jiray AXMED MUUSE odayga la odhanjiray isaga oo ahaa waliba qof ku halda luqada englisha markii xataa gumasytuhu yimi isaga uunbaana wax lag awaydiin jiray. ilaa wakhtiigii odayadii Habarcafaan ee la odhanjiray BUTI WADHAFLE.
    markaa bal adeer taariikhda dib ugu noqo.
    waydi dadk kaa waweyn oo ururso xaqiiqooyin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.