Suugaan

Gabay : Guubaabo

Gabaygan waxa tiriyay Suldaan Salebaan Cali Ismaaciil, suldaanka guud ee beesha Reer Nuur.
Suldaanku gabaygan waxa uu kaga hadlayaa xaalada uu ku suganyahay dalka Somaliland, waxa kale uu kula dardaaramayaa dadka Maamula amase haya xilalka muhiimka ah ee laga maamulo dalka sida Madaxwaynaha iyo Golaha baarlamaanka.

  • Gabayadiii gugii ahaan gaandheer ka ahaaye.
  • Gunti kaliya anigoo leh baan gaadh ka hayn jiraye.
  • Gabdhuhuna markay soo galeen baan ka gaabsadaye.
  • Goldalooladaan arkoon soo gar waaxsadaye.
  • Iga gura hadaan soo gambiyay ceel aan gaaxsadaye.
  • Guuxa aan habeenadan maqliyo goohan dami waayay.
  • Gantaalahan afkee la isku riday garani maysaane
  • Goolaaftan maahee waxbaa meesha soo galaye.
  • Golihii wakiilada hubsada duul gobaan nahaye.
  • Ma gudboona wakiil geesiyiyo kii gabraarsadaye.
  • Ma gudboona wadani guul wadiyo kii gabraarsadaye.
  • Ma gudboona sharciga kii gartiyo kii gadaal maraye.
  • Afartaa gadaan odhan jiriyo gabayadaydii dheh.
  • Guubaabadaan soo wadiyo gogol dhigeedi dheh.
  • Inagoo garaadkeenu yahay geel lakala qaado.
  • Gudimiyo hangool qaadanoo gagada loo oodo.
  • Gumaystuhu dhulkuu kala gatay ee gobolo loo qaybshay.
  • Ee geesiyaashii ka kacay gawrac lagu laayay.
  • Geeska afrikoo kale markaan gacan togaaleeyay.
  • Meel aan gantaalaha culculus lagu garaacaynin
  • Ama geed aad hoos joogsataan maydku garab oolin.
  • Gayigeena mooye la waa gacallo yaalloowe.
  • Waar hoy nabada waa lagu gam’aaye yaan la garan waayin
Gabay : Abwaan Cali Tedesse
Allaha u naxariistee cali tadhase waxa uu ahaa gabayaa caan ah oo aad loo yaqaano  gabaygani waxa uu tiriyay waqtigii laga soo noqday dagaalkii soomaaliya iyo itoobiya sannadkii 1978kii

Da,d gabayga damac igama galin laba diraacoode.

§ haddaan dayni waayoon markale dib ugu soo laabtay

§ waa inaan dareenkaan qabiyo dulucda sheegaaye

§ dalka waynu wada leenihiyo duuga nololeede.

§ Dad haduu isdhalo cadhadu waw duriyo laayaane

§ Ma dagaan walaaluhu haday duur coloobaane.

§ Waa inaan ka doodna ra’yiga dan isku sheegnaaye

§ Soomaaliyeey waad disheen damacee waynaaye.

§ Dayaxaaba laynagu wadiyo dawladaha qaare.

§ Dib baad uga dhacdeen meelahaad dagi lahaydeene.

§ Dab dhaxmooday odaygii dadxumi, dal ka bixi waaye.

§ Ma dardaarankii la is faraan cidina daymoonin.

§ Sidii adhi diraaceed miyaa daaqsin lagu baahay.

§ Miyaan dawladnimadii nacniyo calankii loo daalay.

§ Daarood Ismaciil miyuu kala danbayn waayay

§ Dabkuu shiday majeerteen miyaa daa la odhan waayay.

§ ma jid waaq dabkuu guran jiruu dib ula soo jeestay

§ ogaadeen dilllaalkii miyuu subaxba diin keenay

La soco qaybta labaad

4 Responses

  1. ramadaan kareem waar dacadkaasi ma engineerkii ba tol mise waa nin kale

  2. horta hambalyo ayaan leyaay akhyaarta Tolka REER SHeekh Samaron sida ay uga go’antahay inay taariikhdii iyo jiritanka umada ay dhiig iyo dhalashaba kasoo jeedaan sida ay waqtigoodii usiyeen inay soo ururiyaan dhaxalkii umadan waxaanan idin leeyahay guulaysta qofkastaana waa inuu xil iska saaraa wixii uu kahayyo taariikhda halyayda samaron wixii uu ka hayo.

    sidoo kale waxaan ku dari lahaa walayaal somalidu waa umad oral society oo aan waxba qoran enagana waxa la inagu sheegaa oo somalida inteeda kale inagu xantaan inaan nahay umadii aqoonta hadana taariikdeenii iyo suugantii tolkeen waxba ilaa hada maynu qorin sida taariikhdii iyo sugan abwanadii waawaynaa ee jabuti Xasan Elmi iyo abwnkii waynaa e XASAN sheekh muumin iyo abwankii waynaa CAli Tadhase iyo abwankii Waynaa ee ABDi Kaamil cawaale Allaah hawa uwada naxariisto oo Janada haku muquuno .

  3. dhamaan waxaan halkaan ka salaamaya hawlwadeenada samaroon wordpress.com waxaan sida walaalkayga iga horeeyay uu sheegay fadlan inoo soo bandhiga wixii ku saabsan qoomiyada gadabuursi ee ku dhaqan gobolada ( G.A.S.H-LAND ) Xaga Gabayada, Fanka, Dadka magaca leh, iyo gabi ahaanba wixii la halmaalo, anigoo ah faisal abdulahi abdi ( ABROONE ) waxaan si gooni ah ugu mashquulsanahay arimaha ( TAARIIQDA G.A.S.HLAND ) Waana wadayaa ilaa ay ajasha iiga imanaysa iinsha-allaah waadna mahadsantihiin

  4. marka hore salaan guud samaroon idaylkii,mudanaayaal iyo marwooyin madaxda,masuuliyiinta iyo maamulka samaron website waxan ka codsanaynaa,aniga iyo inta ila fakirka ahiba,in dhamaan murtidii/suugaantii beesha samaroon sida gabayadii,heesihii,halxidhaaleyaashii……..iyo ragii an taariikhdooda aasnay macna aduunyadan ninba ninkiisa ayaa taariikh ka reeba nasiib darose waxay tahay waxay inaga tariikhdeenu inooma muuqatotadadka kale mooyaane………So let us digout our HISTORY

Leave a comment