Guddi U Amba Baxday Dayactirka Iyo Siyaarada Xabaashii Sheekh Samaroon

Borama-(Lug)-Maanta ayaa magaalada Borama waxa ka amba baxday Gudi dhowr Xubnood ah oo ujeedada safarkoodu yahay inay soo dayactiraan soona siyaartaan xabaashii Sh.Samaroon Allaha u naxariistee oo ku taala degmada Xiis ee G/Sanaag.

X.Dayib Sh.Maxamed C/laahi oo ka tirsan guddidaasi ayaa safarkooda ku micneeyey ilaalinta taariikhda qadiimiga ah ee dadka reer Awdal waxana uu taasi daba dhigay inay doonayaan inay xabaasha Sheekha soo dayac tiraan isla markaana soo siyaartaan.

Mar Sheekha wax laga waydiiyay meesha ay ka keeneen lacagta ay ku soo dayactirayaan iyo inta ay leeg tahay ayaa waxa uu yidhi “Dadka reer Awdal oo dhan lacagtan wax ayay ka bixiyeen oo uma kala hadhin , waxanan ururinay lacag gaadhaysa $32,000”.

Xaajigu mar uu ka waramayay taariikhda Sh.Samaroon iyo gaar ahaan  qabriga Sheekh Samaroon ayaa waxa uu yidhi “Sanaag waxa ku wada aasan Sheekh Samaroon, Sh. Isxaaq iyo Sh.Ciise oo ay taasi ku tusayso inay walaalo ahaayeen”.

Ma jirto taariikh qoran balse waxaa hubaal ah in Siyaarada qabuurtani ay qarniba qarni u soo dhiibaysay oo ay dadku si joogto ah u tagayeen, sanadkii 1992-kii ayaana noogu dambaysay wakhtigaasi oo aan qabriga sheekha soo dayac tirnay una soo ducaynay.

Shabakada Wararka ee Lughaya News ayaa bishii December ee sanadkii 2007 mar ay booqatay xabaasha Sheekh Samaroon indhaha soo saartay dayactir la’aanta haysata safarkan maantana ee gudidana waa mid muhiim u ah dayactirka qabriga Sheekh Samaroon Allaha u naxariistee.

3 Responses

  1. walaalla yaal arintaan qabriga la booqanaayo bal hala hubsado in aydiinteena ku banaantahay illaahayna halaga cabsado markasta iyo meel walba oo la joogo

  2. aniga oo kasoo hadlaya magaalad new york ee dalka maraaykanka oo nan dhagaaystay maqaalkan odayaasha dhaqanku aay ku doonayaay inay dayac tiraan qabrigii sheekaan ka tafiirmanay sheekh Samaroon alaha unaxariistee hadaba anigoo qaraarkaayga dhiibanaya si wayn baan ugu raacsanahay go aanka aay gaadheen wadaadadan maxaa yeelay umadkasta oo caalamkaa jirta hadhaayo ama wax uga hadhay dadkaay ka tafiirmeen inay leeyihiin baa muhiima markaa anigoo leh ala xoojiyo ilaalinta qabriga iyo waliba in si habsami usocoda loola socodsiiyo dadwaaynaha gobolka awdal ku dhaqan khaasatan waliba anigu waxaan ka codsanlahaa website kan saylac inuu soo tabiyo sawirad qabrigu hadba sidaay yihhin markaa waxaan leeyahay waa talaabo wanaagsan waa inlana dadajiyo

  3. siyaarada lasiyaaranayo sheekha aan katafiirmany waxa aan u arkaa in ay laga maarmar tahay maxaa yeelay waa in markasta lahubiyaa in qabriga sheekhu uu bad qabo waayo sidaan ognahay gobolka Awdal iyo kan Sanaag ilaa xad ayaa ay kala fogyihiin markaa anigu waan ku raacsanahay sheekhan xasan dayib waxaanan leeyahay umad kasta waxayleedahay taariikh lagu garto jinsiyadeeda waxaanan leeyahay oonan ka codsanayaa websaaytkan saylac inuu si habsami usocoda usoo gudbiyo hadba sidaay tahay xaalada qabriga sheekh Samaroon waxaan kaloon leeyahay waxan waa taariikh waa waxaan ku nidhaahno afka carabiga tuxfad fani ah ama meel taariikh waayn leh markaa waan ku raacsanahay qaraarka wadaadadan sidaa iyo nabad galyo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: