Ugaas nuur Ugaas rooble:- Ugaaskii Xikmada -Qaybtii 1aad

Ugaas nuur ugaas rooble waxa uu ahaa ugaas soomaaliyeed, abwaan, hogaamiye ciidan, taariikhyahan
filasoofar iyo nin eebe ku manaystay garaad iyo karti aad u xeeldheer oo uu dadka dheeraa.
Ugaaska isaga oo da’a yar ayaa waxa loo boqray ugaasnimada Qabiilka Gadabuursi, isaga
oo ka soo jeeday qoyska reer ugaas ee beesha makayl dheere.
Ugaaska ka sakow xilka loo igmadaye waxa uu ahaa qof shaqsiyadiisa ay ka mid tahay xilsaarid
uu iska xilsaaray masuuliyada ka saaran dhulka iyo dadka uu masuulka ka yahay.
Masuuliyada uu iska saaray iyo kalgacaylka uu u qabayna waxa inoo cadayhana gabaygii
qaaliga ahaa ee “Kabaal nagi” oo aad badi ahaan garanaysaan.
Siyaasiyan muu ahayn qof ku mashquulay arrimaha gudaha amase arrimahii ugaasyada iyo
salaadiinta kale ee somaliyeed ay ku koobnayeen ee ahaa in uu ilaaliyo danaha beeshiisa
kana ilaaliyo beelaha kale ee soomaliyeed. Laakiin Ugaas Nuur waxa uu ahaa qof
dublumaasi ah oo gude iyo dibadba la leh xidhiidh masaalix iyo siyaasidina ka dhaxaysay.
Taariikhyanada soomaaliyeed ayaa waxa ay ku sheegaan in uu yahay ugaaskii iyo abwaankii
soomaaliyeed ee u horeeyay ee xidhiidh la yeesha isla markaana ka gabya guumaystaashi
xiligaa dunida haystay.

Advertisements

2 Responses

  1. walaal waxaa loo baaahan yahay inaaad si qoto dheer uga warantaan dadka magaca ku leh gadabuursiga kaliya maaha ugaas nur ee waa inaad kawarantaan dhamaantood xilna iska saartaan waaayo waa waxii loo ga tagi lahaa jiilka soo kacaya

  2. sxb waan ku salaamay salaan ta ay walaaluhu isku salaamaan ayaan kugu salmay sxb

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: