Ugaas nuur ugaas rooble oo aan hore uga sheekaynay ayaa iska leh maansadan taariikhiga ah.
Maansadani waxay xambaarsantahay dhacdooyin taariikhi ah oo aad u balaadhan hadana aan ka sheekayn doono.
Sida aynu la socono soomalidu waligeed waxay ahayd umad beelo ka kooban, oo beelaha soomaliyeed waxa kaliya oo siyaasad u ahayd qabiil, waxa ay u dagaalami jireena waxay ahayduun danaha beesha.
Beelaha soomaaliyeed ee Isaaq Daarood iyo Ciise iyo sidoo kale Qoomiyada xabashida ayaa Beelwaynta Gadabuursi ay la tahay dagaan wadaag amase ay wadaagaan xuduud. Beelahaa soomaaliyeedna xiliyada gugana colaaad baa dhex taalay jiilaalkana heshiis.
Sidii caadada ahaydna waxa dhex mari jirtay mashaqooyin iyo colaado ku salaysan damac hal dhinac ka yimaada, damacaas oo ay keeni jirtay dhul jacayl, xoolo jacayl amase isriixid iyo barabixin.
Hadaba xiligaa Ugaas Nuur Ugaas Rooble uu ka hadlayaa waxa ay ahayd xilli ay beesha Ciise duulaan ku soo qaad Qabiil waynaha Gadabuursi oo uu dhex maray dagaal aad u cuslaa. Ugu dambayntii ayaa xoogagii Beelaha Ciise meesha loo yaqaan kabaalka nagi. Ugaasku isagoo cabiraya dhacdadaas sidoo kalana sheegaya dhacdooyin hore oo isla dagaankaas ka dhacay sida duulaan ay beelaha dariska ay leeyihiin ku soo qaadeen xusaya ayuu tiriyay maansadan.
Ugaas nuur wuxuu yidhi
Kabaalka nagi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga
kumbuska iyo labalaw hadaad kaw ka leedahaye
Kalidii labaan ahay kun ciil uunka kala geeyay
Ee waligeedba ninkii nagu kam’a kibirna noo keeno
Kabbo dhiig ah iyo waan siin jirnay kalax dhunkaaleede
Iidoor wuxuu kibir lahaa iyo keenadaan galiyay
Kabalax Daarood halkuu kabo la’aan yaacay
Kutaaniyo amxaar wuxuu faras lahaa dixdan isugu keenay
Dixdii la iigu kulmee layga kari waayay
Waar malaha ciise wuu soo Kama’e waa kas aadamiye
Maansada iyo sheekadaba waxaan ku adeegsaday xusuus shaqsi ah, cidii wax aan khalday ogi fadlan ha ila soo xidhiidha .
Xergeeye@gmail.com
Filed under: Suugaan | Tagged: Gabay, Kabaalka nagi, ugaas nuur ugaas rooble |
UGAAS NUUR ROOBLE
allaha u naqriisto
AAAAAAAAAAAAAMMMMMMMMI AAAAAAAAAAAAAAMIIIN AAAMIN..
please
dhamaantiin aaamiin aamiin aaaminn……………….
ugaaas nuur ugaas rooble ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo isagiyo wixii umada nabi maxamadaba
GABAYGII UGAASK NUUR UGAAS ROOBLE UGAAS SAMATAR
Gabaygan oo ku abtirsada Xarafka ‘’K’’ waxa lasheegay in tarikhda somalida ama Qabaa ilaka somalida gabayga K ay ka gabyeen xilgaas sadex nin oo kaliya markaa hadaan soo qadano gabaygan ugaska maxa ka kenay in uu ka gabayo xaraf madi ah oo inta badan aan lagu baran taarikhda ama suuganta somalida uu ka gabyo Ugaaska Nuur oo ahaa ugaskii 13 aad ee talada hoganka dhaqanka ee QAbiilka Gadabuursiga . hadaan inyar ka iftiimiyo ugaaska waxa ka keenay wuxuu ahaa qiso layaab badnayd oo uu kala kulmay ugaas kale oo dhigiisa ahaa waliba ay qarabo ahaayeen oo uu kala kulmay wax aanu ka filayn sida aad ka dhadhasan doonto erayada uu isticmaalay Ugaasku .kadib marki uu ugaaska ciise kuso kacshay col tiradiisa lagu qiyasay kumanan ugaas Nuur wuxu udiray ergo inuu colka ka joojiyo kalkan ama sanadan laakin kibirka,qooqa iyo isla waynaanta ku jirtay ugaask Ciise wuxu ku yidhi ugaska Gadabuursi soo xidho googarad iyo ganbo 25 gabdhood na keen oo lagu qabo bilaa meher sida adoonta ee dadkaaga ah intaas hadaad samayso uubaan colka kaa joojin ugaaskuna wuxu ugu ceshay walaal ka joog waayo waxay ahaayeen Habra wadaag . hadaba maxaa dhacay waxa dhacay in colkii laga dhigo haad iyo waraabe mid ay ka dhargeen iskadaa ninkii kibirkii wuxuu uhorkacay halaag in isagii nolol lagu qabto oo ugaaskii shalay uu laha kuul soo xidho ay ku keentay in isaga oo mayda uukudul akhriyo gabaygan taariikhda ku xardhan .
Gabayguna wuxuu udhignaa sidan.
Kidkidshaha kibaarka iyo kalalax kayrka
Kudka kulul kaminta iyo hadabu way ku ciyane
Kubkuu kaa jabshaa kaabigii kula karaaraaye
Toban guuto kaydkiyo hubkaad lahasho kooraysay
Karkaarada wadkii halaag kugula kaynaan
Kancaan iyo nabruud buu hortaa kibirku dandeshay
Korma qooqay oo laqan kara baarqab karan mood
Karaahida kajoog maalintaan kuula imid
Kalkooshada karamada lahayd kabad lagaa saarye
Kohaanta aad kasoo faashatay iyo sixirka kuskusan
Kolmoodkii iyo dibu kooshadkii kugu kawan rogay
Kolkaad tidhi anaa kuul kuu xidhi kani adaygaaga
Kalmadaad ku dooday geeribay kuu horkacaysaye
Dixdii uumiyuhu kulmee la iiga kari wayay
Iidoor wuxuu kibir laha sidaan kenada ugaliyay
Kablalaxu dhamaantii dixduu kaba la’aan yaacay
Kuunkunyo waxay faras lahayd halkan meel iskugugeyay
Keenay odaygu inuu nagu kama’o waa kas Aadame’e
Kabo subaga oo kurus geel kujiro ninki lagu karameyey
Inuu aayar kimistiisa cuno wuu ka kaafuraye
Abidkiiba ninkii nagu kama kibirna noo keeno
Kabo dhiiga waan siinjirniyo kalax dhunkulede
Adigaba kaskaba ku dhigay karinka jiifede
Kac waysayso dhaha wadigii kibirka waalnaye.
waa si wanaagsan oo gabaygan waa gabay wax badan ama dhacdooyin badan xambaarsan ,, lakiin waxaan aad idiinka codsanaynaa inaad gabayga oo dhamaystiran soo raadisaan . kana raadisaan meelaha taariikhda samaroon laga helaayo.
ugaas nuur ugaas rooble ilahay janadii fardowsaad hakawarabiyo idilkodba waxay ahayeen rag halgamayala oo usoo halgamay dhulkoda hooyo xusidna way mudanyihin boqoradasiye han idinkudaro hadaba gabeygan kale alahayow nin iidaran maxaan daafta hore seexshey nin iidaqsanayana maxaan dafida ukariyey jidhku nimanu dooneyn maxaan hadalka deeqsiiyey ma deg degee xajada maxaan ugu dulqad yeeshay waji dabacsan daymaan dareen galin dubaaqiisa debna furan dabuub unakadidin deexashiyo muuso qosol dibada yaal oon ka iman dhuunta dacalkeeda kanaan degey kanaan doorka bidey kani danbaan moodey waxaan dood kaftan ah sheekada udaleeyaba dabinkaan udhigo maalintuu dagalka soo saaro intiiyoon dawarka urogoon xeelada udaadsho isagoon dareen qabin maxaan kaga dayaan siiyey
he is my great grandfather I DERVE THE THRONE
Wow enjoyed reading this blogpost. I submitted your rss to my blogreader!
Ugaas Nuur Ugaas Rooble was my great grand father
ILAAHAY janadii farduusa haka waraabiyee wuxuu ahaa boqorkii ugu taariikhda dheeraa ugu xikmada badnaa uguna cadaalisanaa ee soomara dadka soomaliyeed gabi ahaantoodba
scw
waxan wax ka taabanayaa gabayga
kabaal negi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga
kunbuskiyo kublaalaw hadaad kawka leedahaye
iidoor wuxuu kibir lahaa keenadaan galiyay
kablalaxu halkuu gabi ahaan kabo la,aan yaacay
koomade kadeedkaan marshiyo koortaan ku dhawaajay
kobtoor iyo dixdii laykulmee layga kari waayay
malah ciise wuu soo kama,ee waa kas aadama,e
kidkidshaha kibaarkiyo kurbada kololoh kayrkayrkakorka damaca kaarkiyo hamiga kaalufkiyo gaydha
kadiskiyo kadaaligakaclila weerka kadalooba
kudka kulul kamiinto haduba way ku kiciyaane
kuman guuto kaydkiyo hubkaad lahasha kooraysay
karkaarada wadkaagiyo halaag kugula kaynaaye
kubkuu kaa jabshaa aabigii kula karaaraaye
karaahida ka joog maalintaa kuula imid kaalka
kohashadii karaamada lahayd kabad lagaa saarye
korme qooqay oo laqan koraa baarqab koron moodye
kalidii labe kunciil uunka kala geeyay
kancaan iyo nabruudbay hortaa kudo ka tuureene
karti iyo garaad keenadiid lagu karaameeyay
kolkaad tidhi anaa kuul ku xidhi kani adaygaaga
kalyihiyo laxaadkii ku hoday laqankii kaa keenay
halkaad kuudadiyo geeriday kuu horkacayeene
kuhaankaad kasoo faashatiyo sixirka kuuskuusan
kumudkiyo dibuu kowshadkii kuu tafaafulaye
kabuudshaha hankaagu kasbaday waxan ku soo koobay
abidkayaba ninkii nagu kibree nagu kama ee kaadso laga waayo
kaba dhiiga waan siinjiriyo kalax dhunkaaleede
kiriirtaa wakaa kabad iyo koronkor maydkiiyoo
kobci nabada oo masiibada ha koolkoolin kuwaan toobi waydoo lagaa maadin kariwaaye
adigaba kaskaa baa ku dhigay karinkan jiifeede
kacoo waysayso waadigii kibir la,waalaaye
fadlan kusoo kordhiyo hadii aad haysaan intaa wax ka siyaadsan wabilaahi tawfiiq
walaal gabayga noo fasir maan fahmin erayada waxa loola jeedo
hjkhkjkjk
he is my grreat grandfather
wuxuu ahaa geesi rugcada ah oo tarikhda Engriska ta somalia ta ethiopia iyo Egypt ay tarikhdisu talo oo ku dabacan musuemyada oo tarikhdisa la soo koobi karin oo lagu dhigto schoolada somalia iyo somalialnd aniga awowgay wuxuu aha Ugas dodi Ugas Roble ilahay ha uuwada naxariisto
he is my great grand father