Abla-Ablaynta Beelaha Qabiilka Gadabuursi (samaroon siciid).

This is short classification of the Gadabuursi clans, The more detailed one is to be posted in near time.

Fadlan wixii sixid ah noo soo tabi.

We welcome your feedbacks.

  • Habar Afaan
    • Gobe
      • Xildiid
      • Salaan
      • Muuse
    • Ali Ganuun (Ali Ganuun)
    • Hebjire (Xeebjire)
      • Gadheere
      • Reer Isin
    • Jibra’en (Jibraacin)
    • Isse Samaroon (Reer Ciise)
    • Yusuf Samaroon (Habar Yaasif)
      • Nabi Jecle
    • Subeer Samaroon
      • Dhego Weyne
      • Makal (Makayl Qaylo)
      • Muse Subeer
        • Musefin ( Muuse maxamed)
          • Ismaaciil
            • Reer Cabdile
              • Gadhcad
              • Gadhwayn
            • Idaar
            • Cali Ugaadh
          • Reer Abdi
        • Reer Haamud
        • Hassan Sa’ad (Xasan Sacad)
          • Reer Rooble
        • Faroole
    • Makador
      • Makahil
        • Eye Makahil (Ciye)
        • Eli Makahil (Celi)
        • Abdalle Makahil (Bahabr Abdalle)
        • Hassan Makahil (Bahabar xasan)
        • Muuse Makahil
          • Jibril Muuse (Afguduud)
          • Bah-Sanayo
            • Idris Muuse
            • Rooble Muuse
            • Hawaday Muuse
          • Makayl-Dheere
            • Reer Ugaas
              • Ugaas Samatar
              • Ugaas Cabdille
            • Abokor
              • Reer Galaangal
              • Reer Abdi Abokor
          • Yoonis Muuse
            • Ali Yoonis
            • Jibril Yoonis
              • Adan (Had) Jabril
              • Abokr (Gorad) Jabril
              • Axamed Cismaan Kheyr(Cismaan Guul) Jabril
                • Ali Khair (Kaba Harag)
                  • Dudub Osman (Reer Dudub)
                    • Hodaal Dudub
                    • Dharaar Dudub
                    • Cigaal Dudub
                    • Dadar Dudub
                    • Aadan Dudub
                  • Yoonis Osman
                    • Farah Yunus-Ba Madigan
                    • Ahmed Yunus-Ba Madigan
                    • Mahmud Yunus-Ba Musa Fin
                    • Gadaala-Dhal
                    • Darar Yonis-Ba Musa Fin
                    • Geleh Yonis-Ba Musa Fin
                    • Abdi Yonis-Gadaladal
                    • Gedi Yonis-Gadaladal
                    • Adan Yonis-Gadaladal
                    • Ali Yonis-Gadaladal
                      • Hamud Yonis- Hamud Gaala
            • Adan Yoonis
              • Reer Hayiinle
              • Reer Sahal
                • Reer Boqor wayne
                  • Adan-Madoobe
            • Nuur Yoonis (Reer Nuur)
              • Reer Mahmuud
                • Abdi Mahamuud
                  • Xuseen
                    • Xaad (Buul-xun)
                    • Shirdoon
                    • Gabbal
                      • Koohi
                      • Samatar
                      • Ali
                      • Raage
                      • Xergeeye
                      • Khayre (bah-caso)
                      • Bahdoon (bah-caso)
                      • Samatar-yare (bah-caso)
                      • Dhaabur (bah-caso)
                  • Cismaan (Reer – Cismaan)
                • Halas Mahmuud
                  • Cumar Halas
                    • Husien Omar
                    • Farah Omar
                    • Afi Omar
                      • Galab Afi
                    • Gelleh Omar
                    • Roble Omar
                  • Guled Halas
                    • Qoob Buur
                  • Muse Halas
                  • Hiraab Halas
                  • Cali Halas
                    • Reer Boqore
                    • Reer Rooble Cali
                • Hassan Mahmuud (Nimidoor)
                  • Reer Dharaar
                  • Odawa Hasan
                • Hufane Mahmuud (Nimidoor)
                • Roble Mahmuud (Ba-Jibra’en)
                  • Reer Geele
                  • Reer Dhabbar
                  • Reer Abdulahi
                  • Reer Ali Karuure
                • Mohamed Mahmuud (Ba-Jibra’en)
                  • Reer Buuh
                  • Reer Jirde
              • Reer Farah
                • Ibrahim Farah
                  • Gaade Ibraahim
                  • Guled Ibraahim
                  • Bare Ibraahim
                    • Reer Waadhawr
                  • Samakaab Ibraahim
                  • Rooble Ibraahim
                  • Dadar Ibraahim
                  • Salah Ibraahim
                • Geedi Farah (Gabarmadow)
                  • Hiraab Geedi
                  • Cali Geedi
                  • Mahamed Geedi
                  • Dabeer Geedi
                  • Wayteen Geedi
                • Reer Ali Abdi
      • Mahad Ase
        • Bahabar Eli
          • Cabdalle
          • Habar Xuseen
          • Maxamuud
        • Bahabar Adam
        • Bahabar Abokor

        Muuse maxamed

        • Bahabar Muuse
          • Ali Madoobe
          • Madax Madoobe
          • Akaraa
        • Abrayn
          • Ali Hogol
            • Reer xareed-Boqorre
            • Reer Ayuun
            • Axmed Shabeel
            • Reer looge
            • Reer guuleed
            • Reer hayl
            • Reer Cadaawe
            • Reer Xirsi
          • Geesaale
            • Reer Huruur
            • Reer samatar
            • Reer Hiraab
            • Reer Tuur
            • Reer Cali oday
          • Gadiid
            • Reer Cadde
            • Reer Sahal
          • Goodaad (Indho-colle)
        • Reer Mohamed
          • Reer Aadan
          • Reer buux cumar
          • Reer cigaal
        • Adam Muuse

84 Responses

  1. waa in lagarab istaagaa dhalin yarradan

  2. aadbaan idiin salamayaa dhamaan dadka ka soo shaqeeyaya barnaamijkan waad mahadsan tihiin dhamaantiin

  3. asc tolkayow waad salaaman tihiin guud ahaan dhalin yarta beesha samaroon salaan ka dib illahayba mahadle marka labaad inamada wakhtigoodi u huray inay hawshan qiimaha badan qabtaan waxaan ahay nin aadan yoonis ah oo reer gadiid qayr ah marka kolay inyar oo talo ah uun ban soo jeedin lahaa waar waxa la gaadhay wakhtigii aynu midoobi lahayn oo aynu cududeena midayn lahayn sida beelaha kale ee maamulada samaystay sida isaaq iyo majeerteen aynu taladeena midayno thanks

  4. aad iyo aad ayaad umaxad santahy in jaa isad lagu siiyaad is taahijaa laakiin talooyinka lasoo jeediyay sxbayaal waa inaad qaadataan

  5. Asc dhaman belwenaha ciider ani waxan ahay diir mandalug i heve get here undrstod becuse i ddnt see more thand 4 person of may clan waxan raba inan ugado gudagbirso iyo mandalog maxey iskuyihin plz hadad garaneysit igu cawi

    • walal marka hore wad salamantahay. marka labad, beesha Gadabuursi waa jilib ka mid ah beel-weynta Madaluug oo ah sida la shhego Madaluug-Axmed-Dirr. xaga kale sida la sheego abtirsiinta Samaroon waxa ay tahay sida tan: Samaroon-Siciid-Daa’uud-Xasan-Cumar-Cali-Madaluug-Axmed-Dirr. sida kale waxa jira beelo hayb ahaan ka tirsan Gadabuursiga Woqooyi dega oo hadana la dega beelaha Madaluug ee koonfur dega Gaar ahaan kuwa dega gobolka Shabeelada Hoose iyo labada Jubooyin, beelahaas waxa ugu waaweyn beesha Makadoor ee Gadabuursi intiisa badan kasoo jeedaan.
      waa laga yaaba inaan wax yar iga qaldanyihiin laakiin inteeda badan abtirsiintaasi waa sax.

  6. Mr A/FATAX. Asc waraxmatullah wbkt
    bacda salaan wll yaal waxaan umahad celinayaaa aqyaarta qortay iskuna dubariday. waqtigoodana uhuray hawshan nadiifta ah walaayaal hadaaan nahay qabiilka samaroon eedaga gobolada awdal salali iyo gabiley waxaan idinkula talun lahaa inaynu katashano aayaha dadkeena iyo dalkeena waad aragtaan qabiilada kale way tashadeen oo waxbay qabsadeen .wll ma
    anta magaaladeena waad ujeedaan malaha garoon kufilan oo dhisan. hargeisa bur.o barbara iyo dhamaan gobolada bariga waa dhisan yihiin arkimaysaan meel bilaa laami ah ama bilaa garoon ah. hadaba wll dhinaca fiican aan wax ka eegno oon dhexdeena kasaarno arimaha qabyaalad iyo malaayacni. insha allah waxaan noqon doonaa gobolada ugu muhiimsan soomalia. shaqo wacan

  7. waar waxa jira reer la yidhaa Dharaar Gamasan oo Reer Dudub ku dhexjira lana dhiigbaxa Rdadar Dudub Asal ahaana waxa la yiri Aadan yoonis marka Aadan yooniska ma masuubo gaara baa iyaga ku dhacday oo kala Eriday

  8. walaalayaal Qabiil waxa jira Reer Dudub ku dhexjira oo la yidhaa dharaar Gamasan oo aan Reer Dudub ahayn oola sheego inay Asal ahaan ka soo jeedaan Aadan yoonis waxay la dhiig baxaan Reer DADAR DUDUB marka Aadan yooniska ma masuubo Gaara ayaa ku dhacday oo kala lumisay

    • Xoolaatahay been sheegoow; jibriil yoonis waa dad aan walaalo nahay afka hay galin. I bet u are not makaahiil.

  9. Asc dhamaan tol waynaha Samaroon siciid
    waan ini salaamay waxaan dhamaantiin inii sheegayaa inaan nahay dad isku dhul ah,isku deegaan ah,walaalo ah, iswadaa dhalay, markaa waxaan inigu boorinayaa hal mid oo ah masayr guud oo siyaasadeed oo ah mandaqada aan ku noolnahay GEESKA Afrika ,ama Soomaliyeedba oo uu garto ka yar ee samaroon iyo ka waynba taas oo ah inaan siyaasad qeexan oon ku midaysanahay samayno sida qabiilada kale ee Somaliyeed. tusaale Majeerteen wuxuu ku midaysanyahay siduu wixiisana gaar ugu yeelan lahaa dowlada Somaliyana uu taladeeda iyo manfacaadeedaba uga faaidaysan lahaa, Isaaq ka dowlada Somaliland ku jira iyo ka TFG ku jiraba waxay ku midaysanyihiin inay gobolada waqooyi wixii dheef ah ee ka yimaada iyaga ayna soo dhaafin. maanka taas ku haya waad mahadsantihiin. Anuu waxaan ahay nin Faarax Yoonis,Cisman, Qayr,Jibriil yoonis ,Muse ah , Deegaanka Faarax yoonisna waxaa ka mid ah Wancadleey Borama ,Wancadleey, ,Koojaar,Aashacado, Dababuur,Sararka, Caynu qabad (somaliland) dhinaca ethiopia waxaa ka mid ah Harasaawe, Daar cad,Layla kaal, Cakaara ,Sogsog,Subulaha ,Maydalka,iyo Caasimada ree Faarax Yonis ee Lafaciise, waa dhulka ay gaarka u daganyihiin.

  10. moha… walaal meshan halaga daayo xanuunka iyo cudurka la wado kaliya halaga faa idaysto wixii dhimana ha la sheego lkn yanaan si kale looqadan sidii dad wa wayn aan u wada dhaqano waxna isku waydaarsano

  11. Kaliya waxan ku darayaa inuu jiro warfaa dudub cisman kheir jibriil yoonis muuse makahiil makadoor isaaq madaluug

  12. walee ninka soo qoray waxan waa nin aqaan qabiilad samaroonka lkn meeshe mcse waxa ka badan ilan meesha reer nuur gaar ahaan reer faarah nuur waa yaab walee kkkkk

  13. Ruun ahaanti waxaan u maleya nika qoraay inu saan wax cadalad la yidha ama cilmi mauliyadeed anu saal ku lahaayn e o kaliya u bahinayo bela samaroon o midaan sharaftoda una aqoonsaan walalahoda ka wayn sharafta iyo mudnanta ay ka leyiih waxaan u maleya inaad dareensanayd xaqiraad kaga so jeda xaga belaha Maxamed case o xata anad magacoda sidi saxda hayad ad iska indha tirtay iyaga o ad ugu danbaysisay halkay ugu horayn lahayeed walaal fadlan wad la labaan qoralkagan wax ka qoor matiihid ……..

  14. Asalamu calaykum horta dadow,
    anigu waxan ka yaabay dad aan kor ku arkay ood moodayso inay caadi ubukaan, laakiin waxa fiicnayd in masayrka iyo hinaaska layska daayo, anigu reer nuur baan ahay laakiin markaan faanayo waxaan ku faanaaa inaan gadabuursi ahay. Raggan inakala faquuqaya ayaan sheegayaa war laydin baryi maayee inaga daaya waxan aad wadiin haduu ilaahay walaalkaa badiyay inaad adigu yaraysid maaha.
    waxan kaloon leeyahay, beesha habar cafaan meel baa lagaga dhacee soo saxa waxay yihiin oodhan. dhawaan gabadh baan ka guursanayye intay igu xanaaqi lahayd iga sooo saxa jilibyada habar cafaan.
    peace.

  15. Waxaan salamayaa dhamaan beelweynta ama dadweynaha ku abtirsada deegaanada awdal salel iyo gabiley waliba intooda cafimaadka qabta ee ka fayow calool xumada iyo cuqdiga nabsaaniga ah ogna iney leyihin dawlada somaliland ogna in cid ka xigtaa ayna jirin waxa nasiib daro ah in dad yar oo koban laga duwayo wada saxda ah ee somaliland nimada loona yedhiyey wax lagu shegay awdal state oo ay abaabulen dadka fadhi ku dirirka ah ogayna xaqiiqda jirta iyo waaqica dhabta

    • yuusuf salaanta waan kaaqaadnay se indr waxaan jeclaan lahaa inaad meesha halkaan oo kale ah aad ka reebto durida aad durayso dadka taageera awdalstate walaal waayo wax kasta ooy yihiin walaal waa dad inaga mida nalana wadaaga magaca reerka aan nahay markaa meeshana uma qalanto meel looga hadlo somaliland iyo awdalstate toona waayo waa meel ay ku xusan yihiin magacyada dadka aan ka soo jeedno miyaad aragtaa oday ka maqan halkaan markaa indr hadaad tahay qof xalaal ah mar danbe wax kala qaybinaya dadka sharafta leh ee reer sh. samaroon hakusoo qorinn meeshan oo kale thkx

  16. waa idin salaamay dhammaan bahda ka shaqaysa websidkan waxaanan leeyahay dadalalka halkaa ka sii wada waay waayo waa wax loo baahnaa in la ururiyo taariikhdeena

  17. walaal walaahi ninkaas meesha kusoo qorey waa uu saxsanyahay waayo habar carfaan oo iyadu ah isbahaysi iyo maxamed case waa ay ka yar yihiin makaahil walaahi waa xaqiiq waayo is bahaysigu waa subeyr.oo ah muusafiin,reer xaamud,faroole,hasasacad,dhagoweyne,makayl iyo yuusuf samroon,ciise samroon iyo soo raaca samroon oo ah xeebjire,jibraahin,caliganuun aaway habar carfaanaamusa yeynaan isfaqfaqin mida kale qabiilkeygaan sheegayaa waa BASANEEYO una kala baxdo sid tan
    AXAMED MUUSE:
    reer caynaan
    reer muuse gadhsiike
    reer camuud
    REER CISMAAN IDIRIS:
    cali cismaan
    cabdule cismaaan
    breer buraale idiris
    oona kala garaneyn inta ay u kala baxaan
    markaas waxaas baanu la aamusanahay idinkana waad noo hadhaleysiin aamusa laangaabkaad tihiinba wasee

  18. waxaad illowdeen beesha bahabar cabdalleh oo uu kala kacdaa
    reer weed ( gaalbeed amba arabi deegan)
    reer kamas(bari amba gabiley degaan)

  19. anigu waxan ka dhashay qabiilka jibriil muse markaa waxan rabaa faahfaahin intii taqaana
    wad mahadsantihiin

  20. wad mahadsantihiin sida wanagsan e aad u soo qorteen samaroon sacid ani waxan ka dhashay qabiilka jibriil muse markaa faahfaahin ayan rabaa inti aqoon u leh wad mahadsantihiin

  21. ta boorama. waxad arki tobon beerood oo muusafiin ah oo is garab taxan tobon beerood oo xeebjire ah toban habaryeesif ah. bal soo sheeg tobon berood oo jilib makaahilka kamida oo is grab taxan. haa maxadcase waad so soo heli . lakiin dhici mayso makaahil hadaan laga tagin reer axamed.
    markaa meeshan aad ku badan tihiin iyo dhulkan aad degtaan ayaan garan waayay. ilayn markaad sidan u soo qortaan ee aad dadkii kale masaxdeen waxad u jeedaan anagaa ugu badane.
    waase la is ogaan dhawaan.

  22. walaal in badan ayaan meesha la maqnaa lakiin waxan u imi iyadii oo meeshiisdii tahay oo aan la badalin markaa waa sheeko kale.
    ta habar cafaan dee qalin wax kaga jari maysid qofka qoroyow.
    reer nuur iyo xeebjire mid aan ku siiyee xeebjire ayaa ka tiro badan. MUusa fiin iyo jibriil yoonisna, muusa fiin ayaa ka tiro badan. 10 ka beelood ee kale ha ii joogaan. jibraacina daa warkii. markaa waa la isk garanayaa lakiin try in aad qalinkaaga ku badasid.
    muusafiin dhagax joog oo dhan aisagaa daga, ilaa baki reer maxamed ayay iska soo nodaan ilaa gobolka, xagana from airport ka boorama ilaa degmo laqas dababuur wancadleey holhol. sow qaylo siijeed ilaa soo jeed ilaa awrdill cidi kuma taraxdo dhulkaas oo dhan waana dhulka gadabuursi degenyahay. ee beeralayda ah. halkan faaraxyo ilaa weereer ayuu geeloogu daaqaa, fadhi xun xeeb ayay ka soo nqodaan.
    kama sheekayn karo habar afaan dhulka ay degentahay sida xeebjire jibraacin.
    waa dhulka gadabuursi dgenyahay ee ku faano..
    muusafiin waa qolada guray nuur yidhi qabiilka sheeg boorama afarteeda jiho ka soo gala, tiro badni.
    markaa ader ama wax xaqiiqo ah soo qora ama kaga taga blank space. ileeyn garsho laani idinkama haysee waa ugu talogasheene.
    ilaahay qalbiyada ha inoo nadifiyo.

    • Habar cafaan boy ninka sheegtay waan ka xumahay ina adeer anigu nin reer nuuraan ahay lkn waxaan la yaabay xeebjire iyo muusafiin baad meesha keentay gabaduursi inta tuuluu dagan yahay wali ma aragtay tuulo habar cafaan dagan tahay somaliland anigu waxaan dagaa baki, dila, tuli , idhanka, magaala cad, magaala qalooc, jibriir yoonis wuxuu dagaa, xariirad, boon, quljeed, dhagaxa madow – hal tuulo oo habar cafaan leedaha allaylehe xeebjiraa luuqyar oo reer axamad iyo reer dudub dhexdooda oo jirjir la yidhaaa tuulo ku leh- itoobiyana waan naqaan awbare- sheed dheer, lafaciise, dharwanaaje, hagu, jaare , gogti, dambal – inyar baan ku xasuusin guray nuur baad tidhi muusafiin buu ka yaabay – bari baa waxa la yidhi reer axamad baa nin musafiina gudun ku dilay oo si xun u dilay – habar cafaanooo dhanbaa isa soo urursatay markaasay yidhaahdeen hadaan laba nin magtood lanaga siin waan aarsanaynaa , guray nuur wuxuu yidhi ma xuma inaad aarsataane laba ma is waydiiseen habar cafaaneey- colka weerarka idiin soo qaadayaa halkuu idiin dagi lahaa iyo xamasta marka la is galo halkaad dhigan lahaydeen kkkkkk
      waxa la yidhi ragii waa fahmeen warkooda oo magtiibay aayar qaateen sxb habar cafaan meel ay saacad nin ku qarsadaan ma haystaan
      – qiso kale ayaan kuu hayaa bari baa waxa la yidhi Habar cafaan baa isa soo urursaay markaasay waxay u tageen badhasaabtii jigjiga oo xabashi ahaa waxa ku yidhaahdeen dadka intaa leeg baan nahay itoobiyaan baa nahay waxaan rabnaa xaqayagii in la na siiyo – wuxuu nixkii ku yidhi xageed dagtaan waxay ugu jawaabeen dadkaa uun baan dhex dagnaa- wuxuu ku yidhi waxa layaable dadkiina intaa leeg ee bila xilka ah laalkiin waxa ka sii yaab badan dadka idin qariyay eed ka dhex muuqan waydeen intay leeg yihiin -kkkkkkkk
      markaa sxb muusafiin 4 kun oo cod buu keenay doorashii baarlamaanka reer nuurna 26 kun habar cafaana 17 kun bay keentay sxb isku gayn markaa sxb ilaahay baa bixiya laan gaabnimada iyo laandheeranimada wasiir habar cafaana somaliland baa ugu horeysay – itoobiyna waxaad ku leedihiin hal xildhibaan – dhulka aad sheegtayna waxna reer maxad baa lagu ogyahay waxna waxa lagu og yahay jibriir yoonis hal tuulo samayso sxb oo maxasta dhigato

      nin habar yeesifa iyo nin reer maxamuud nuuraa kaftamay muday wada kaftameen kii reer maxamduud nuur baa yidhi adeer sheekada jooji abtriso imisaad samaroon ugu tagtaa wuxuu tirsaday 11 kii reer nuurwa wuxuu tirsaday 21 markaasuu yidhi laanta gaabani waxaa waxaan maqlay inaaanu muusafiiinku 12 dhaafin kkkkkkkkkk
      markaa ilaahaybaa bixiya sxb bahasha dadka tarankoodana ilaahaybaa haya

  23. ramadan kareen dhamaan tolka,,,,,salan ka dib tolka waxan u sheegayaa hadii jilibyada qaarna wada qoray qarna intii uu qofka qoray garanayey uu qoray yaynan u qadanin in beel la badinayo beelna ya yaraynayo waayo qofka qoraysamaroon oo gababuursi oo dhan ma wada garanaayo,……waxaa haboon wixii uu ka tegay ana uu garan wayey inaynu u gudbino si websitka loo soo galiyo ,,markaa yeynan u arkin in beelna la badinaayo beelna la yaraynaayo,,,,waxaa haboon wixii uu qofku garan wayey ama uu iloobay ilayn waa biniadane aynu u saxno waad mahadsan tihiin tolka ….ilahayna waxan inooga baryayaa inuu isku moowqif inaga dhigo gadabuursi dhamaantii,,,,,,, amiin amiin

  24. FADAN HADAA TIHIIN RAG DACAD U AH QORAALKA IYO ABLA ABLEYTA SAMAROON HUUNO
    BAL CAR SOO SAXA 6DA JIBIB EE BEESHA CALI GANUUNEED
    ILAYN IDINKAA DURBAAN TUNTEE MALAHA WAXAAD MOODEEN IQALINKU CID BADIYO HUUNO ANIGU YAABAYBEE

  25. asc wr wb horta r5agan samaroon miyay waalan yihiin mrd waxaan layaabay sida ay wax iskugu sheegayaan anigu i am samaroon hadana ninka soo qoray mahad mooye wax kale umasoo jedinaayo waayo sida ay qabiilku kulabaxo ayu ibaraya marka hadiii qabiil laga tagay maaha in qof la af lagadeeyo waayo ilowga insaan ayaan unahay marka indrrayaal isku xishooda oo ilahay kayaaba war hadiii aad wax kutufaysaan dadka dadkiina qal qalaaya kutufa sinon vs etes tous peureux ee naga aamusa mrd

  26. Asc Wr Wb…Aad ayaan Idiin Wada Salamaya Dhaman Inta Weerarka Ah Iyo Inta Weerar Celinta Ku Jirtaba ..Hadaan U Soo Laabto Geedi..Nimankas Oo kaliya Ma,aha Ee Aadan Madobe Waxa Kale Oo Maqan Niman La Yidha Reer Hagar Oo Dhulbahante Ku Jira Hadana Labada Jilib Garabkay Isku Hayan Dadkana Way Iskaga Dhawyihiin Waxana Cad inay Meel Ka Soo Wada Jeedan..Balse Waxa Ila Yaab Noqotay In La Garto Kii Maqna Oo Maanta Meel Kale Ku Abtirsada Kii Joogayna La Garan Waayo….(C/laahi Reer Hayiile)…kkk…Aad Baan Kuu Salamaya Marka Hore Balse Waxaa Kuu Qurux Badnayd Inta Aad Sida U Hadlayso Inad Soo Qorto Reer Hayiile Oo Kaliya Intaad Ka Taqaano Madama Aad kaba Soo Jeedo Sidad Sheegayso Xirsi Muudana Aqoon Dheer Uma Lihid Ayaan U Maleenaya Marka Waxan Kaa Codsan Laha Inad Soo Qorto Reerkaaga Reer Hayiile..Malaha Xirsi Muude Ayaa Ku Taabtay Ayaan Filayaye..lolz..Talo Yarna Tolkay Samaroon Wayne Ayaan Ku Darsan Laha Ninka Meesha Ka Arki Waaya Jilibka Uu Ka Soo Jeedo Shaqsi Ahaan Ha soo Bandhigo…Maamulkana Waxan Ka Codsan Lahaa Inay Soo Galiyan Markaaba Ilayn Hora Loo Yidhi (Nin Xil Qaaday Eedna Qaad).

    Wabilaahi Tawfiiq

    Asc Wr Wb.

  27. Tolka waa salamanyahay aniga waxa ahay Samaron Madaxyahanshar meesha maku taasho qoladeen ka mid ahay? iga rali ahada ii fa’ideya.

  28. Asc.Dhaman waan salamay bahwaynta beesha samaron

  29. tolka waad salamaantihiin marka hore. qofka soo qoray site kaa waad kuu mahasantagay. waa loo bahayahay ina qof kaste mesha oo kaa soo jedo ino barto. oo magaca samaroon kor loo gada. waxa moda qofka soo qoray ino reer nuur aha wayo reer nuur jiib samaroon oo dhan laa dhigmo buu kaa dhigay. jiibyadi kale naa waa soo kobay.

  30. dhaman waxan salamaya belaha samaron said
    markaxiga ta na waxan salamaya qofka sida u soo sharaxay duriyada xalasha ee samaron said
    waxan inigu birsanlaha nin walai ba oo samaron in uu sheeg to jilibka awkayahay samaron yan la is yareen oo samaron kalya lasheegan dada aad ubadan baan nahay aniguna waxan kadhashay beesha jibriil muse afgudud

  31. Asw waad salaaman tihiin dhamaan dhalinta aan aanu ilmaadeerka nahay ee isku hawlay inay wax wayn ku soo kordhiyaan dhalinta aan ku dhalan wadankooda hooyo oo aan ka wado dhilkooda kuwaas aan ogayn ilaa guud ahaan mooyaane markaa waxaan odhan lahaa walalahayga wakhtiga qaaliga u huray inay baraan ubaxa soo koraya ciday ay yihiin waxaan rajaynayaa inay ka faaiidaysan doonaan dad aad u badan intaas ka bacdi waxaan idn lee ahay halkaa ka wada anagana wixii khibrad ah ee nagu soo koradha ee ku saabsan arintan wan soo gudbin doonaa ASALAAMU CALAYKUM

  32. Asw waxaan aad u salaamayaa dhamaan dhalinta ka shaqaysa websitekan oo aan lee ahay waa niman isku xil qaaday in ay wax ka baraan cida aan nahay dadka aan ku barbaarin dhulkooda hooyo ee aan si wacan ukala saari karin cida ay yihiin guud ahaan mooyaane aniguna waxaan ku dhiiri galin lahaa inaad halkaad ka wadaan wixii khibrad ku saabsan arintan waan ku soo dari doonaa ASALAAMU CALAYKUM

  33. samaroonku hanolaado waligiina lagama badinayoo vive les samaroonns

  34. waryaa ninka jabuti soo qatay ma waxaad rabta in dawlada jabuti lacaayo waxaad u so qadatay samaroon waa ninki qabiilada somaliyeed kawada gobyey sxb va te faire foutre sxb prkoi ta visiter cete web si te pa interesser alors laisse ns en paix et vive samaroon wallahi waan jeclahay samaroonka waa dadkaygiii kkkkkkkkkk samaroon mu gobyaa kulaha war adu qabiilkaagu miyu gobyaaa kkkkkkk wax kasheegimaaye dadka kadhexbax oo ha shasheyn

  35. Samaroon saciid abtirsigiisa ma D i r baa ?
    mise Carab ayuu ku ab tirsadaaa /

  36. aad iyo aad ban idin salaamayaa
    akhyaarta aanu ilma adeero ha nahay
    waxaan waa faqsanahay hadlaka rooble afteeb
    samroon waa badan yahay lakin afsomali baa lagaga badiyay
    markaa intabadan wax bay bartaan lakin buug ma qoroon ka sheekaynaysa cida ay yihiin ama gobolka ay ka soo jeedaan dadka waa in la baraa samaroon waxa uu yahay
    thanks anu waxaan ahay dhagawayne Dhaga waynuhuna waxa uu ukala baxaa 7 jilib oo waa wayn dhagawayne buseed weeyi thanks

  37. aa nooladan samaronka aniko yaaheii reer maxad ase

  38. walalaalaha tolka ah ee halkan iskugu yimid waan salaamayaa beelaha aan aad loosoo baadhin ee jilibyadooda aan la garanayn waxaa ka mid ah:
    bahabar Adan WAXAYNA u kala baxaan:
    Reer CAWL
    Raagsaale
    Bahabar CABDILLE
    Reer Xuseen
    ba` yabarree
    Bahabar Abokor:
    reer Siciid
    reer Barre
    reer Cabdalle
    ABRAYN:
    Reer Cigaal waraabe
    reer Huruur
    reer Gadiid
    reer Cali Wayd
    reer Cali Oday
    Reer Xareed boqorre
    reer MAXAMAD:
    Reer Buux Cumar
    reer SuLDAAN
    REER Aadan
    Axmad CIgaal
    Galaal wayn
    dhegood
    Horkameer

  39. Waxaan Salaamayaa Dhamaan Howl-Wadeenada SAMAROON WORDPRESS.COM Marka Xigana Dhamaan Axsaabta Iyo TOLKA Sida Wacan Faalada Isu Waydaarsanayo GOOD” , Hadaan Aniga Oo Ah Mr ” ABROONE” iska Hadlo Waxaan Ahay Arday Wax ka Qora Taariiqda Africa, Qaasatan Geeska Africa iyo Waliba Tani u Goonida ah Qoomiyada GADABUURSI-MENIA: Kolkaa Waxaa Aan si Gooni ah U Xiiseeynayaa Magacda Beelaha, Jilibyada, Iyo Ardaayada, Waayo Waxaan Daba Joogaa Beelo Magacdooda Ay Lumeen Ama Ay U Hayaameen Meelo Fog-Fog iyo Kuwa Lagu Badhxay Beelo kale iyo Kuwa uu Isbadalay Dhawaaqa Magaca Beeshooda.
    Hadaba Walaalaha Goobta isuugu Yimid Waxaan Idiinku Boorin Lahaa inaad Ruux waloowba Aad Soo Gudbiso Abla-ablaynta Beeshaada, Jufadaaada, iyo Ardaayadaada. Dhamaanteen Waxay Inoo Tahay Arrin Haanu Ku Faano, Qolada Webside-kana Waa inaad Intii aad Heshaanba ku soo Biirisaan kuwii hore, Dadka lama wada Qancin karo Balse hadii Cadaalada Lagu dadaalo waalawada Qanci: dhamaan waad mahadsantihiin

  40. As/c marka hore waxay mahad u sugnaatey ilaahay….
    again waxaa aad u salamayaa shaqaalaha webkan
    waxaan oran lahaaaaaaaaaaaa thnks waxaaba nakala barteen tolka i got gud information abt my tolka thnks again

  41. WALAL DARAASAD BUUXDA KA SAMEEYA BEESHA AADAN YOONIS MAADAAMA AY TAHAY BEESHA UGU DEGAAN BADAN SAMAROONKA .
    WAA IN QAYBAHEEGA BADAN AAD KA SAMAYSAAN DARAASAD BUUXDA

  42. WALAAL WAA INAAD DIRAASAD BALAADHAN KA SAMAYSAAN ARINTAN MARKA KOOBAAD.
    WAAYO BEESHA AADAN YOONIS WAA BEESHA UGU DEGAAN BADAN SAMAROONKA..
    MARKAA WAA INAAD QAYBAHEEGA BADAN AAD DIRAASAD BUUXDA KU SAMAYSAAN….

  43. ASC..
    WALAALAYAAL WAXAA QURXOON INAAD HORTA DATA BADAN URURISAAN KABACDINA AAD WEBSITE YADA AAD SOO GELISAAN REER KA AADANYOONIS WAA REERAHA UGU BALAADHAN SAMAROON KA UGUNA DEGAAN BADAN DHINAC KASTA MARKAA DIRAASAD BUUXDA KA SAMEEYA ARINTAA ,

  44. salaan dhamantiin

    waxaan u yar baahnaa in aad iga dhaadhicisaan ama aad ii faahfaahisaan,reereahan gadaaldhalad waa kuma,intee iyo halkee ayay dagaan tolka dibada ku dhashey ayaan ka mid ahee??

  45. way fiicantahay in laqoro abtirsiinta
    ana waxaan jecelahay in aan kudaro inta jilib ee ay ukalabaxaan reerka aan ka dhashay oo ah reer faarax yoonis cisman qayr jibril yoonis

    1- Gadiid faarax
    a- faarax bildhi
    b- dadar
    2- geedi faarax ( geedi gadheer)
    3- reer cumar dhool
    4-sheekhdoon( gawdheer)

  46. adeer hurtwa waa mahad ilaahay laakiin waxan odhan la haa anuu cida waxtabanaysa halqanciyo qabiiladan adoo qof ujeeda yaan meelaga dhi cin cidabadan alaabadiyay tayarna sidoo kale markaan sidaa u hadlayo ma ihi laan gaab dadka qaarbaa yidhaa waxaasi waa afkii laan gaabkee waxan ahay cida samaroon ugu caansan ugu cilmibadan ugu na farabadan sharaxaad inataa saa igagfilan waag wadgaranaysaan waxan leeeyahay websetku waxwaynbuuqabtee siiwad hawsha iolay cabashadu waxqabad kay lasocotaa qaladkun waa bilaaadannimad ilmaadeerayaal maanshaa alaah kkkkkkkkkkkkkkkk waxqabsad xagafiican kaeega waxwalba

  47. Walal wan ini salmayaa dhaman bahwaynta samaron hadan inii fahfahiyo besha cali ganuun waa beel wayn oo u kala baxda 1 reer samatar geedi 2 ba cambaro 3 geedi baxar 4 reer sharmarke

  48. qoraalka xaga sare ee beelaha xeebjire lama faah fahin markaa waxan isku dayido naa intaan garanayo beesha jilibada ay u kala baxaan.
    XEEBJIRE.
    1.maandhoowe
    .reer cige
    .reer cismaan
    .reer maxamuud
    2.reer xasan
    .dhabara madow
    .gunti xun
    .reer cisaam
    .reer simaaciil
    .reer daahir suge
    .reer aw cabdi
    .reer aadan
    reer aw mooge
    3.reer muuse
    .reer cabdile
    .reer caafi
    .xarago madowbe
    .reer biiq
    .reer cali nuur
    .ciroolay
    .reer geele
    .reer aw xaashi
    .reernageeye
    .reer diiriye
    .reer aw faarax
    .reer eebo
    . aw bidaar
    .reer ceelaabe
    4,gadheere
    .reer aw yoonis
    .reer jibriil
    .reer aw gadhwayne
    .reer sigad
    aw jaamac
    .aw xirsi
    .aw daahir
    .reer hubyaal
    .aw dhinbiil
    aw siyaad
    .aw faarax
    reer aw fardood
    .ba maxamuud
    .reer caamir
    reer aw gaadufleh
    .reer yoonis.
    5 reer aw nuux.
    .cismaciil aw nuux
    .reer cabdi aw nuux
    .reer xasan awnuux
    reer raage aw nuux
    reer.aw jaamac nuux
    .reer aw axmed nuux
    .reer maxamuud aw nuux
    .bah ciise
    .cabile barkhad.
    reer aw xaaji,

    saxiibayaal waa inta aab ka garanayo jilibada wax iga maqan qaarkale oo badan insha alaha waad soo qoridoonaa iyaga oo dhan faaha faahsan

  49. sidaad u qortay habarcafaan maaha sax wax u qortaa tusaale ahaan .
    XEEBJIRE.
    1.maandhoowe
    2.gunti xun
    3.reer xasan
    4.gadheere
    5.fuday
    6.reer eebo
    7.reer aw nuux
    8.reer siciid gaada
    9.reer cabdile
    10.reer muuse
    11.ciroolay
    12.walaal doon,
    waa sida sax da ah ee beelaha xeebjire ukala baxaan inta aan anigu garanayo markaa Habarcafaan waa bad ee sidaacada uqora

  50. nimanka website-kan editor ka ah waxaan ka codsanayaa inay update gareeyaan wixii cusub ey ka helaan dadweynaha intay marka hore iska hubsadaan, sdia inoo muuqata dhaliil badan iyo saluug ayaa jire siiba reeraha qaar.

    thank you

  51. Asc wr wb dhamaan bulsho waynta reer sheekh samaroon aad ayaan u salamayaa gaar ahaan waxaan halkan ka salamayaa ninka soo qoray aftirsiinyada beelaha uu u kala baxo Samaroon Ma xumo in tolku isbartaa nin walbana waxaa qurux badan inuu inadeerkiisa kale u abtirin karayo balse taasi kama muuqato meesha waxa wanagsanan lahayd qofku hadii uu hawshan galayo inu sameeyo darasad fara badan oo ku saabsan xaga u sii kala bixida qabiilka…Anigu muhiimada aan halkan ugu soo dhacay oon u dhaadhacayo Waxan jeclaysanayaa inaan Saxo Beesha (AADAN YOONIS).. Aadan Yoonis oo ah 10 jilib xaga sare faah faahintiisuna waa sidan.
    AADAN YOONIS
    1-Xasan Aadan (sheekh xasan badhiile)
    2-Abokor aadan (abokor laba dhariile)
    3-boqorwayne aadan( Reer Boqor-wayne)
    4-abiib aadan (Reer Abiib)
    5-Sayre Aadan ( Reer Sayre)
    Waa ilma Adan Yonis waxan usoo labanaynaa siday u sii kala baxaan

    Xasan Aadan..(sheekh Xasan Badhiile)
    1-MAXAMUD XASAN ADAN
    -Rooble maxamud xasan
    .Khayr Rooble
    .GADIID KHAYR ROOBLE
    .Warfaa Gadiid
    .Rooble warfaa
    .Coofle Rooble
    -Aw adan Coofle
    -Cilmi Coofle
    -Jaamac Coofle
    .Geedi rooble
    .Siciid rooble
    FAARAX GADIID (Faarax Bayuur)
    .Warsame faarax (warsame jagacla)
    .Good Farax

    GUULEED KHEYR ROOBLE
    .Nuur Guuleed
    .Geelle Guuleed (Reer Geelle case)
    .Warfaa Guuled ( Reer Warfaa samater)

    HIRAAB KHEYR ROOBLE
    .Cabdi Hiraab
    .Maxamud hirab

    GEEDI ROOBLE
    .Xersi geedi
    .Kitaab Xirsi Geedi

    2- FAARAX XASAN ADAN (Farax Godad)
    .AXAMED FARAX
    .HAGGER
    .WARSAME HAGGER (Warsame dhaga-goo)
    -Mulacle Warsame
    -Geedi Warsame
    – Xasan warsame

    3- AXAMED XASAN ADAN
    .SAHAL AXAMED XASAN (Reer Sahal)
    – Reer Xaaji
    -Cabdi sahal
    .CABDULLE AXAMED XASAN (Cabdule dhoqale)

    4- HANYIILE XASAN ADAN (Reer Hayiile)
    .Bah Hari
    .Xirsi Muude

    5- MAHAD XASAN AADAN(reer Mahad)
    .Cabdi mahad
    .Maxamed mahad

    — ABOKOR AADAN.(Abokor laba dhariile)
    -mahad abokor
    .cabdi abokor
    .Hanfi abokor

    –BOQOR WAYNE AADAN(reer boqor wayne)
    -Cali boqor
    Cismaan Boqor

    –ABIIB AADAN (Reer abiib)
    – Ducaale Abiib
    -Xassan Abiib

    –SAYRE AADANA(Reer Sayre)
    -Ismacil sayre
    -Faahiye sayre

    wixii faahfaahin intaa dheer gadaal ayaan ka soo galin doonaa insha allah

    Wabilaahi tawfiiq

    • Omar,
      aad iyo aad ayaad u mahadsantahay walaal, si fiican ayaad u qortay information badanna oo aanu u baahnayna waad na siisay halkaas ka wad sxb. viva adan yonis walalkeen .

    • Omar,
      waxaan maqlay qolada adan madobe la yidha ee habar jeclo waa reer Adan Yonis ka maqan.
      bal arrinta nooga warran ma runbaa mise waa been, haday runtahay siday ku dhacday??

      salaama

      • Geediyaw, arrintaas reerkaas aadan madoobe(waa jilibka siilaanyo ) la yidhaa ee habarjeclo, niman reer burco ah oo laftoodu habarjeclo ah ayaan ka waraystay, waxa ayna yidhaahdeen waa lagu xantaa,kolayto sidaan qiyaasayo waxbaa ka jira, idayn kaftanku waa runta oo la qaboojiyaye….

    • asc, in la is abtirsiimo bartaa way wanaagsantahay, oqoon la biirsadaana koley waa qurux. Anigoo aanay iga qasnayn, oo beelaha Samaroon kolba mid barashadeeda geleya oo hadana mid kale uga sii gudbaya, ayaa waxa aan mudh kusoo idhi beeshiin aan ka dhashay ee Aadan Yoonis. jabkuse wuxu ka dhacay jilibkii aan ka dhashay (reer Hayiile) oo ilaa iyo yaraantaydii eddo kasta oo nasoo martidaaba ay i xafidsiin jirtay inta uu u kala boxo, ayaa ninka soo qoray uu u kala saaray jilib hoosaad Hayiilaha ka tirsan oo la yidhaa Bah Hari iyo mid aan haba yaraatee jirin, oo uu jeebkiisa kaga daray oo uu yidhi waxa la yidhaa Xirsi Muude,(waa sidii xoogii Xirsi Muude ee dhakhtarka weyn ee Boorama uu ku yaalay). ilamana qumana in aan halkan hal jilib uun kusoo bandhigo, ee inta la heleyo dad abtirsiinta aad u yaqaan oo macruuf ah, amabase maamulaha mareegtu isku xilqaamayo sixida iyo sugida abtirsiinta , Cumar oo kale ha inoo noqdo “beerkii qadada lagu sii sugayay”. kkkkkk

    • DARAASAD BUUXDA HALA GA SAMEEYO BEELWAYNTA AADAN YOONIS MAADAAMA AY TAHAY BEESHA UGU DEEGAANKA BADAN SAMAROONKA DHINAC WALBA

  52. kkkkkkkkkkkk waar makaahiil saw digan waashay dee maqalinkaa kubadain waa digan isfeegareekkkkkkkkkkkkk,
    reer osman binu cafaan ilaahay baa badiyee ilaahay bari hadii kale isfeegar kkkkkkkkkkkkk

    • waryaa tolka ka daa waxaad wado hadaad wax isku hayso soo bandhig, reerkaad ka dhalatay dadka barr ilayn kuwa kalaba niman sidaada oo kale ah ayaa soo bandhigaye.
      bal u fiirso ninkaa adan yonis siduu wax usoo qoray, adna intaad kolba magac soo qadato ayaad dadka cayaysa.

      waxaa kale ood ogaataa nimanka website-kan kala wada iyagu waxba kumayna biirin ee waxay kasoo xigteen wikipedia intaan laga saarin halkaas ayay kasoo xigteen.

      salaama

  53. waxaan rabaa inaan kuu sheego sidan aad u qortay qabaa’ilku waa khalad waxaan la yaabay jilibyo hoosena waa kala sheegsheegtay habrcafan waxaad ku qortay duuduub sidaasin cadaalad maaha waxaad u qortaa tusaale ahaan
    * Jibraacin
    -Ali Osman
    – Qalib Osman
    -Odawaa Osman
    – Yusuf Osman
    – Reer Adan
    – Reer axamed
    that is better
    thanks
    Mukhtar

  54. Bahabar Cabdalla
    weyd
    Kamas
    * Muuse weyd
    * Xassan weyd
    Moose
    Jibriil Moose
    Aadan Moose
    Ciga Moose
    mahadsanidiin

  55. Dhamaan waxan idinku salaamaaya salaata islaamaka.
    Salaan kadib waan akhriyay qoraaladan iyo qodobka ay ka shidaal qaadanayaanba, waxanan arkay dhaliilo iyo guubaabo labadaba ay qoreen dadka faalooyinkan soo qoray. nolosha ayaa sideedaba wakhtigan la joogo ku dhisan muxaafid iyo mucaarid, laakiin iyadoo sidaas ay wax yihiin ayuu wax waliba u baahan yahay fiirsasho iyo taxadir farabadan oo qofku sameeyo. anoon hadalka ku sii dheeraanayn waxa marka hor is waydiin leh.
    miyaan u baahanahay arintan in qoraal lagu sameeyo mise uma baahnin? su’aashaas hadaan qoraaladan u fiirsaday waxan ogaaday in ay haa tahay laakiin ay jirto dhaliil ku saabsan sida wax loo qoray” waxan leeyhay qolada dhaliisha muujinaysa qoraalkan reerka aan ka soo jeednaa (Gadabuursi) kama fadhiisan oo ma qorin shaqsiyaad fikirkoodii ururiyay ayaa qoray siday ila tahay markaa ku biiri fikirkaaga waxa ka dhiman oo toosi adigoon wax kale galin hadaanad taageersanayn waxa dadkani qoreen sheeg waxana tidhaa waxani aniga fikir ahaan ilama fiicna ee inaga daaya. laakiin hadaad qof qalad ku sheegto adiguna qalad gasho wuxuba way isla xumaanayaan xaga wanaagsan oo wax laga eegaana waa waran halisa oo aad cid kasta ku dili karto. qolada qoraalkan samaysayna waxan leeyahay malaha waxay ahayd inaad la kulantaan odayada reeraha oo dhan kadibna odayada aad xogta ka hesheen magacyadooda kusoo lifaaqdaan qoraalka.
    waa siday aniga ila tahay

    waad salaamantihiin
    wa bilaahi tawfiiq

  56. s/w dhamaan dadka qorya reeraha xagasare ku qoran ee moodaya in uu qalinku badiyo dadka gaar ahaan makaahiil waar sida aad usheegtay maaha habar cafaan wax badan baa kaa qaldan haadan siday u kala baxaan iyo jilibobadan oonad garnwaday sxb .
    Gabadha inadeer tahay ah ee Fiza wax odhan lahaa dadka aan soo sheegay waxaba laga qoro waa dadka qalinka isku badiya ee waad saxan tahay wax kaa dhiman inyar oo ah sida ay kula baxaan waanan soo sheegidoonaa .

    Habarcafaan _boys or ilma osman binu cafaan _boys

  57. S/C waan idin salaamay dhamaan inta ka isku badisa qoraalka ee u haysata in ay qoraaku badiyo dadka sida beelaha makaahiil.
    waxan odhan lahaa inaa deertay Fiza waxaba hawaydiin baalka waa wax ay qoreen dadka aan soo sheegay ee HABARCAFAAN waa sidaad sheegtay oo waxa ka maqan inata ay ukala baxaan reeruhu insha alaha waan soo sheeginoonaa haduu aleh yidhaa iyaga oo sax ah mida kale googlaha waydii Habarcafaan waxd ka ogaan qaranka badh waa iga talo inadertay wabilaahi taqfiiq,

    habar cafaan _boys or ilma osman binu afahan

  58. asc dhamaan wanad ku mahadsanti hiin
    dadaalkan aad samayseen ee ad ku soo qorteen
    beelaha samaroon .
    run ahaantii dadka qaar ayaa saluugay oo u arkay in laga tagay ama la ilaaway qabiilkoodi laa kiin ma aha sidaas

  59. asc Dhamaantiiin

    wabsite kan qofka sameeyay waba qaybyaliiste meesha qabiiladii kale kumuu soo qorin intuu kusoo qoray afar jilib ka dhigay reer nuur unbuu ka buuxiyay reer nur kale maha reer mahamuud maxaa reero kale laga hadli samaronki sida isku cebeenayaa haduuna qabiilada kale garnayn why waxan uu lasoo qoray,, omg that’s too bad man

  60. waa dadaal wanaagsan waanad ku mahadsantihiin maamulka & madaxda websitekan laakiin waxan yar dhaliilayaa ooay ila tahay in laga gaabiyey suugaantii iyo gabayadii Duriyada SAMAROON sida gabayadii CALI TADHASE,CUMAR AW JAAMAC ,DAAUUD CAMIR iyo hogaamiyayaal badanoo halabuurka ku leh halkee lagu iloobay gabayadii REE GEELE FAARAX NUUR YOONIS(GABARMADOW) oo lagu maahmaahi jiray Gabarmadow ninkaan gabyini waa garac waa jilibka kali ah ee soomaaliyeed ee inan iyo odayba wada gabya…waar dib han u eegno Unique Characterka ILLAAH inagu deeqay

  61. sxb waxii intas dhaafsan waa ladadaalaya ablaablaytuna waxa u bahan dad badan o dibada ku koray ama ku dhashay marka aad ayan kugu dhiiri galinaya inta dhiman waa la dhamaystiri hadii eebe ka dhigo boga suugaanta ee l aga hadlayana wa la wada yaana laga hor dhicin walaalayal

  62. Ilmadeerayaal ma’ wax kalood soo tabisaan ayaad weydeen ?!!!! Waxaa haboon in, haddaan si cilmiyeeysan loo gudo ga’leyn, la iska dhaafo wixii ina kala xamaasad abuuraaya sida qabyaaladda.

    SOOJEEEDIN : Gadabuursi maxaa ka qadiyey tartanka shabakadda ee keeydista suugaanta iyo gabayga ? Intaba wada eegoo kaheli meeysid mid si buxdda usoo ururiyey gabayoo abwaan ku abtirsadda Gadabuursi !!!! Gadabuursi ma gabyaa ? Ayaa see soo ururin gabayaddii abwaanadeenu soo tiriyeen tan iyo inteynu soo jirney ? Taa u ama kuu tartamaa intaad indinku isu baba’eysiin. Nooli kulante from Jabuuti.

  63. aan idiin saxee beesha Muusefiin waxaad qorteen
    Muuse-Muuse-Subeer-Samaroon
    sida saxda ahina waa
    Muuse-Maxamed-Muuse-Subeer-Samaroon

    salaama

  64. asc marka hore way ku mahadsanyihiin nimanka isku xilqaamay inay ilaaliyaan taariikhda iyo abtirsiinta umada Samaroon, ta labaad nimanka ka cabanaya abtirsiinta halkan ku qoran waxan leeyahay walaalayaal tani maaha mid wax ka bedeli doonta xaqiiqda jirta cidii badana cidi yarayn mayso cidii yarna cidi badin kari mayso, waxa ay sameeyeena way ku mahadsanyihiin qofkuna abtirsiintiisa uunbuu yaqaanaaye ee hadii aad wax ku biiranaysiin ama wax ka qaldan yihiin usoo dira sida ninka cali xuseen ee beesha Gobe noo faahfaahiyey.

    waad mahadsantihiin

  65. asc dhaamaan reer sheekh samaroon. waan eegey abtarsiinta waana sax. ninkan habarcaanf boy hadii qoladaadu ey yartahey maxaad u xanaaqi. makadoor afar jeer buu habar canfaan ku libinlaabmaa. muuse makaahiil baa ka badan habar caanfaanta. wcs

  66. Waxan uga digayaa nimanka waxan qoray inayna faraha lagalin wax ayna aqon ulahayn ama ayna dad waxyaqana kala tashan marka aynoqoto qabil hadaba waxan layabay markay adan yonis kuso koben afar jilib hadaba khekhow adan yonis wa iman ebe waxsiyay oo ogada yala tirana ilahay badiyay adiguse qalin iyo af langab kaga dhigi maysid wana quwada samaron odhami kufano makil dhafe

  67. GOBE wa gobe siciid wa uradka Samaroon, wa sadex jilib :
    – Muse, Salan iyo Hildid
    Gadabuursi wa asal, wa tariq iyo Hadarad.
    Waxu ukalakaca 4 iyo Aderqod:
    ( Makadoor,Souber, Yusuf, Rer Cise iyo Aderqod Gobe )

  68. marka hore waad salaaman tihiin marka labaad waxa halkan lagu qorey maaha wax saxa reero aana weligod isku imaneyn ayaa la isku wada keeney waarka hore marka wax laqorayo waxa walaweydiiyaa dadka qabiiliga ah laakiin waxan nin mirqaameyn uuni ayaad mooda in uu iska qore

  69. waar dadkan buka, waar ama sida umada wax u soo qora ama iska laaqda waxaad wadaan, nina qalin badin maayo, waase lays yaqaan. waxanse u sheegayaa qolyahan waxan qoray in ay ka shanlayn doonaan.
    habar cafaan way ka badantahay makaahiil iyo mahadcase labadaba, lakiin ha u malayn in qalin wax badin karo.
    kana waan tooba waxyaabaha aad ku soo qoraysaan websiteska, soomaali website way wada leedahay lakiin gadabuursi wax la mida lama arag iyo qaabka ay u isticmaalayan. shame on you guys.
    sharafti gabauursi ayaad meel kaga dhacdeen, aqoontii iyo cilmigii gadabuursi laha wuxu noqday in ay websiteska iyo cayaan, iyag oo waliba qbiil uun ka shaqaynaya.
    wee feel sorry for those who demontrated these naive story; they destroy our civilization, and our educations.

  70. danm i got the abtirsiin wrong its atually maxamuud yonis cismaan qeyr jibriil yonis which make us the laandheer of samaroon

  71. samaroon uu tiro badan yahey lakiin minoraty baa laga dhigey beesha samaroon waxey u dhigantaa,ciise,isaaq,majeerteen,habar gedir,abgaal iyo ogaadeen.laakiin waxa laga dhigey dad tiro yar samaroonka ethopia waa 450,000 oo kun markaa kuwa awdal iyo kuwa jabouti iyo kuwa dibadaha ka waran awoodi iyo sharaftii samaroon waa lugu ciyaarey .NO POLITACL PLATFORM NO POWER THEN NO PROGRESS. anigu waxaan ahey reer maxamuud yonis cismaan jibriil yonis.reer maxamuud waxey ukala baxaan sagaal jilib . wcs wr wb waan ina wada salaamey

    • Plz intan halagu daro;
      *Guuleed Ibraahim(faarax nuur)
      -reer shirwac
      -reer amare
      -reer khayre
      -reer rooble
      -reer shire

Leave a reply to saxane Cancel reply