Sooyaalka Taariikhda Ugaasyadii Beelaha Samaroon: Ugaas Cali Makaahiil Dheere Muuse

Harowo.com :- Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa taxane taariikhiidii Ugaasyada Gadabuursiga, waxaan ka soo guurnay Buugii uu qoray Sheekh Cabdulraxmaan Sheekh Nuur Cabdullaahi. Ugaas Cali waxaa uu ahaa Ugaaskii ugu horeeyay Ugaasyada. Waxaana lagu caleemo saaray ama lagu boqray Gabilay, deeda waxaa la geeyay BAGI sidii caadadu ahayd, halkaas ayaa dharkiisii hore lagaga badalay loona xidhay dharkii boqortooyada. Continue reading

Gabay Geedan by Abwaan Bashiir Sheekh Cumar Gooth..Gadabuursi geyiguu degee

Gabaygan waxa tiriyay Bashiir sh.cumar good markay taariikhdu ahayd 15kii february 1984.

Gabaygani waa dhambaal ku wajahan dhalinyarada Gadabuursi oo loogu sharaxayo cid ay yihiin, ahaan jireen, ahaan jireen…

GEEDDAN
Guyaal iyo Guyaal iyo Guyaal

Qarniyo guudkooda

Taariikh gu’ weynuu lahaa

Geeshka samaroonku

Iyo gedaha maanta uu yahee

Laga galiilyoodo

Gocashada Xasuustiyo Godaal

Gabayga ii geysay

Adaan kula gulaashaye miyuusi

Jiibta ila gooddi

Gedihii Horaas iyo Virgiilii

iila gunud heesta
Harraad igu gaboobaan rabaa

Inan ka gooshaaye

Ummad wada gammiintaan rabaa

Inay gadoodaaye

Miltoniiii gabay iiga mara

Gaydha igu caawi
Waxba gaaxsan maayee

Mar uun gorofka ii buuxi

*

Guyaal iyo guyaal iyo quyaal

Qarniyo guudkooda

Gaallaawuhu kolkuu joogayuu

Galayay ciiddeena

Sooyaal gaboobiyo wuxuu

Galawgu ii sheegay

Cumar Good afkiisiyo waxan

Oday ka soo gaadhay

Dhallinyaro gadoodaay war baan

Idin garwaaqsiine

Garta oo ujeeddada fahmoo Continue reading