Anglo-Gadabuursi Treaty; Heshiiskii Gadabuursiga iyo Ingiriiska

11kii December 1884kii bil kabacdi markii albaabada loo furay Heshiiskii Berlin ee lagu Qaybsanayay Qaarada Afrika, Ayaa Sargaalo Matalayay Imbaraadooriyadii Ingiriisku ay u soo guntadeen sidii ay si buuxda gacanta ugu dhigi lahaayeen, dagaanadii loogu qorsheeyay heshiiskaas.

Iyaga oo adeegsanaya khibrado iyo warbixino farobadan oo ay ka heleen Sahamiyayaashii ay u dirsadeen bariga afrika oo uu ugu Caansanaa ragaasi sir Richard Burton , ayaa waxa ay bilaabeen in ay heshiis la galaan beelihii Soomaliyeed ee ku dhaqanaa dagaanadaas gaar ahaan kuwii la dherernaa xeebta badda cas.

Beelahaas soomaliyeed Waxa ka mid ah beesha Gadabuursi, Ahaydna Beeshi ugu horaysay ee ingiriisku  heshiis la saxeexdo, Heshiiskaas oo ka dul dhacay markabkii ay wateen Saraakiishaasi Taariikhdu Markii ay ahayd 11 Dec 1884,  Heshiiskaas oo ahaa mid lagu saxeexay saan.

Saanta Heshiiska lagu kala saxeexday waxa kaydiyay Xaaji Jaamac Muxumad Ugaas Cilmi oo ka dhaxlay Awawgii Ugaas Cilmi oo ka mid Odayadii Heshiiska u saxeexay Beesha Gadabuursi. Xaaji Jaamac (Alle u naxariistee) ayaa saantan soo bandhigay 1974 halkaas oo lagu soo qoray wargayskii xidigta oktoobar. waxa sidoo kale lagu soo bandhigay machadkii akaadamiyada dhaqanka iyo taariikhda ee soomaaliyeed, Xafladii bandhigana ay ka soo qayb galeen saraakiil sarsare oo ka tirsan xukuumadii jamhuuriyada soomaliyeed. Halkaas ayaa waxa la dhigay nuskhooyin ama koobiya ka mid ah heshiiskan sidii cidii taariikhda baadhaysaa ay u hesho. Haddana waxaan halka idiin ku soo bandhigayaa nuqulkii Heshiiskaas Anglo-Gadabuursi Treaty.

we, the undersigned Elders of the Gadabursi tribe, are desirous of entire into an agreement with the British Government for the maintenance of our independence, the preservation of the order, and other good and sufficient reasons.

Now it is hereby agreed and covenanted as follow:

Article I The Gadabursi tribe do hereby declare that they are pledged and found never to cede, sell, mortgage or otherwise give for occupation, save to the British government, any portion of the territory presently inhabited by them or being under their control. Continue reading

Advertisements

Booqashadii Dhulka Gadabuursiga, Ee Gaanshaanle; R.G.Edward Lecs:

Bilowgii  Octoober 1903, ayay boqortooyada Ingiriisku amar ku soo saartay  in  socdaalkayagan dhakhso loogu baxo dhinaca  xuduudda Abaysiiniya ilaa laga gaadho  Jufa-mici dheer, halkaas oo aniga iyo kooxdaba la rabay in aan kula kullanno caaqil ama hoggaamiye dhaqameed, ay qunsulliyaddii Saylac u xilsaartay in  uu na soo mariyo dhulka gadabuursiga oo gadhwadeenna noo noqdo. Meeshan oo ku taalla xuduudda u dhexaysa maamullada Ingiriiska iyo Abaysiiniya, qayb ahaanna ka tirsanayd dhulka loo aqoonsan yahay in Abaysiiniya xukunto. Baaq ugaaska naga soo gaadhay oo ahaa in uu soo dhaweynaayo wada hadal, ayaa keenay dareemmo isku dhafan, maxaa yeellay waxa jirtay munaasabad hore oo uu si hagar la’aan ah ugu soo dhaweeyay sahan reer yurub ah, hase yeeshee ku gabagabootay hagardaamooyin dhawr ah.

Continue reading

Taariikhda Ugaasyada Gadabuursi ; Qaybtii 3aad

11-UGAAS NUUR UGAAS ROOBLE:-Haddana waxa boqornimadii qaaday wiilkiisii Ugaas Nuur Ugaas Rooble,wuxuuna ku dhashay gobolka Awdal kolkuu sanadku ahaa 1835kii miilaadiga,hooyadiina waxay ahayd Maro Geedi wuxuuna boqornimada qaaday markay taariikhdu ahayd ahayd 1848dii,boqornimadiisa waa dhamaa,waxana lagu boqray ceelka la oran jiray Bagi,sidii caadudu ahayd wuxuuna ahaa nin midab ahaan Maariin oo aad u dheer,gadh yarna wuu lahaa wuxuuna ahaa nin lugo waawayn oo gacmo dheer,lahaana indho yaryar,wuxuuna ahaa nin fardo fuulka jecel iyo ugaadhsiga,wuxuuna ahaa hadalka miisaama wuxuuna ahaa nin wixii mahmaah ahaa ee Somalidu ku hadli jirtay wadda yaqaanay oo dusha ka wada hayay,wixii maahmaah ah ee lagu hadlana waxaa loo nisbayn jiray isaga.

 

Waxa Ugaaska laga hayaa in uu yidhi kalmad dhagahayga gashay amaba aan maqlay ma iloobin.

Ugaas Nuur wuxuu ahaa nin ilaah raganimo u dhameeyay oo aanay waxba ka dhinayn,wuxuuna ahaa gabayaa wayn oo anuu jirin Somali nin la gabay ahi,wuxuuna tiriyay gabayo badan oo siyaasadda iyo xikmad ah sidan ku sheegi qaarkood xaga dambe ee taariikhda Ugaas nuur,waxan laga hayaa inuu ugaas Nuur yidhi kol haddii aan gabay maqlo ma iloobin,wuxuuna xafidsanaa  gabayo badan waxana ka mid ahaa gabayadaas gabayo ay tiriyeen Ugaasyadii ka horeeyay iyo kuwo ay tiriyeen rag somaliyeed sida Raage Ugaas. Continue reading

Taariikhda Ugaasyada Gadabuursi Qaybtii 2aad

5-UGAAS NUUR UGAAS CABDI :

Hadana waxa qaaday walaalkii Ugaas Nuur Ugaas Cabdi,taariikhdu markay ahayd 1698 Miiladiga,waxana lagu caleema saaray Bagi,waana loo dhamaa boqornimadiisa waxana uu dhashay meesha la yidhaah Haliso (ee Boorama u dhow) hooyadiina waxa la odhan jiray Aamina Bare.

Wuxuuna nin aad u cad oo sunayaal waawayn aadna waa uu dheera,wuxuuna ahaa geesi nin geesi ah oo arimahana aad u fiiriya,waxa kale oo uu ahaa nin qani ah deeqsina ah siyaasadana ku xeel dheer dagaalkana aad u jecel.Wuxuu nin jar iska xuura oo aan cidnaba ka baqayn tolkiina aad u jecel yihiinwaxana la sheegay in markii uu boqonimada qaaday uu damcay in uu sameeyo khiyaamo uu ku khaarajiyo boqorkii Gaalaha ee Aale-Boore. Continue reading