Beelaha Jibriil Yoonis ayaa maalintii Khamiistii suldaan Abiibakar Cilmi Wabar u caleemo saaray inuu noqdo suldaanka guud beelahan.
http://camuudnews.com/?p=16292
Xaflada caleemosaarka ayaa ka dhacday magaalada Qulujeed. Xafladani oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa ka qayb qaatay wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida, Golaha wakiilada, Golayaasha deegaanka, maamuulka Gobolka Awdal, Culumo-awdiin,Salaadiin, madax-dhaqmeedyo ka kala yimid deegaanada uu ka kooban yahay dalka Somaliland, siyaasiyiin , Waxgarad, Qurba-joog ka kala yimid dalka dibadiisa iyo gudihiisa iyo wadamada dariska ah.
Furitaankii Munaasibadan ayaa guud ahaan muuqaalkeedu waxa uu ahaa mid aad u kooban oo ay masuuliyiinta ka hadashay ay ahaayeen kuwo xadidan ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay Gudomiyaha Degmada Borama oo marti loogu ahaa Degmadiisa marti sharafka ku soo dhaweeyey Degmada Borama. intaas ka dib wax hadalka qaatey Afhayeenka Golaha Dhaqanka ee beelaha Jibriil yonis Jaamac Faarax Xareed oo ka hadlay marxaladihii kala duwan ee duqaytida golaha dhaqanka ee beelaha jibrilyonis u soo mareen sidii loo heli lahaa suldaan hogaamiya beelwayta jibril yonis ugu danbaytii lagu soo xulay suldaanka cusub ee maanta la caleema saarayo. waxa hadalka qaatey intaa ka dib sheekhal baladka Gobolka Awdal Sh.C/laahi Sh. Cali Jawhar oo kalmado waano, duco iyo dardaaran iskugu jirta u soo jeediyey suldaanka la caleema saarayo isla goobtaana ku gudoonsiiyey hadyad qaali ah oo ka mid ah caleema saarkiisa, intaa ka dib waxaa loo gudo galay habdhaqameedkii caleema saarka oo qaatay mudo.
Guji halkan si aad xafladda u daawatid
http://camuudnews.com/?p=16292
Filed under: Uncategorized |
Marka hore waxaan SULDAN WABAR ku salaamayaa salaanta islaamku isku diro mida ugu qiimaha badan salaan ka dib waxaan suldan kayaga ale uga baryayaa inuu noqdo kii walaaleeya ee mideeya beelwaynta jibriil yoonis iyo beelaha samaroonba insha alah hadii aanu nahay dhalin yarada jibriil yoonis gaar ahaan beesha degta quljeed,xarirad,aroorseel,boorame,jirjir,gogti iwm aad iyo aad ayaan u taageersan waanan ogalnahay fadlan dhuux gabaygan waxa tiriyay cabdi afsonkor oo jibriil yoonis ah waxa uu u tiriyay wakhtiyadii hablaha somalidu usoo guur doonan jireen raga ku abtirsada beelaha jibriil yoonis (kol hadaad waraqa samaroon iyo somalida kaleba soo dhaaftay oo wiilashii jibriil yoonis aad warmaha u qaaday walwalku siduu kaaga hadhay saw warami maysid) midna ku darso oo waxaan ahay wiil jibriil yoonis ah geela yaguna faantada ayay cabaan….