Shir Jaraa’iid Oo ay qabteen qaar ka mida Xildhibaano ka so jeeda Galbeedka Soomaalilaand

Waxam maanta lagu qabtay shir ay iskugu imaadeen qaar ka mida Golaha Baarlamaanka Iyo Guurtida ee ka soo jeeda gobolada galbeedka ee soomaalilaand, ujeeda ugu wayn ee shirkan ka danbaysay waxa ay ahayd in mar labaad ku celiyaan fariin ay hore ugu direen Madaxda dawlada Soomaalilaand oo wax jawaaba ka bixin fariimihi hore ee ay u direen oo iskugu jiray qoraalo iyo warbixnaba waa siday hadalka u dhigeene. Halkan Ka Akhriso warbixintasi o dhamaystiran :-

Shirkan jaraa’id  oo ay si wada jira u qabteen                  

1- Xildhibaan  Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ,                                                              

   2-Xildhibaan  Cali Aareeye,                                                   

 3- Xildhibaan Rashiid Maxamed Ismaaciil (Hoos u jeed),                                              

 4-Xildhibaan Axmed Muumin Shibiin,                                                     

 5-Xildhibaan Diini Cabdillaahi,                                             

 6-Xildhibaan Axmed Waabari,                                                                           

 7-Xildhibaan Cabdilqaadir Jibriil Tukaale,                                

Iyo 8- Xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud Jirde iyo waliba xildhibaano kale oo tiro badan  ayaa dhamaantoodba ka ka midaysnaa mabda’an  Saami qaybsiga  kaasi oo ay ku sheegeen  inay garaydh ahaa  xilalka ay xukuumada Siilaanyo ay u magacawday yihiin  Garade C ama kuwa uugu liita xilalka la qabto.

waxa ay si adag uga hadleen dhacdooyinkii Foosha xumaa ee Dilalka ahaa kana dhacay Gabilay iyo Dilla inta u dhaxaysa , Saami-qaybsiga Kuraasta min Wasiir ilaa Agaasime, Ciidamadda kala duwan iyo Barnaamijyadda Horumarinta ah ee Dalka ka socda oo ay sheegeen inay ka qatan yihiin isla markaana aanay ku haysan wax talo ah.

Sidoo kale waxay kaga hadleen Shirkoodaas Jaraa’id kacdoono ay sheegeen Xukuumadda Somaliland inay ka wado Goboladda Salal iyo Awdal oo ay ka soo qaateen koox u dhashay Goboladaasi oo ay dhawaan Ciidamadda Qaranku u dhaadhiciyeen Xabsiga Mandheera iyo Cashuuro ay sheegeen in lagu soo rogay Ganacsigii Dekeddaha Deegaanadaasi.

Dhulka muranku ka taagan yahay ee aan Doorashooyinka laga qaban ee Deegaanka Lughaya ayay iyana sheegeen in wakhtigan lagu jiro Doorashooyinka laga xayiray oo aanay ka dhacayn iyagoo sheegay muddo badan Dhulkaasi Xukuumaddu inay go’aan ka gaadhi kari la’ dahay lahaanshihiisa.

Xildhibaanadan oo tirro ahaan gaadhaayey  16 Xildhibaan ayaa dhamaantoodba iyagu ka midaysnaa fikirkan  isla markaas ku wada Socday waxaana  ugu horeyn halkaasi ka hadlay AxmedYaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Muddane madaxweyne  waxaanu halkan kaaga soo jeedinaynaa tabasho iyo waxaanu tirsanayno oo aanu hore qoraal iyo af iyo adinba kuugu keenay sanad iyo badh ka hore wax aliyaalo wax jawaaba oo aad kasoo celisayna aanay jirin,  baa tirsan waa u noqqotay maanta inay beesha caalamku  maqasho waxaanu qabno  hadaan inay ku joogsado   sooyaalka somaaliland  Dib u dawladayn, Dib u xoreyn, Dib u Heshiisiin iyo dib muqraadiyadayn”.

Sidoo kale Xildhibaanku mar uu ka hadlaayey  dhaqaalaha Gobolka iyo  sida loo maamulo  waxa uu yidhi “Dhaqaalaha lafdhabarbaanu u nahay  waxaana uu sanadkii kor u dhaafaa $12,000,000 qaranka waxbaanu ku darsanaa oo beerahayagaa la cashuuraa oo  guryaha iyo gawaadhidaa la cashuura, kuma nihin qarankan baara sayt/Dulin ku dul nool  laakiin waxaanu nahay muwaadiniin  wax ku darsada Qaranka”.

Ugu danbayntii Xildhibaan Axmed Yaasiin  waxa uu  aad uugu dhaliilay  xukuumada Siilaanyo  inay inta badan ceebayso  dadka iyo  Shaqaalaha kasoo jeeda Goboladaasi  waxaana uu mar kale   yidhi “Balanqaadyada xukuumadu sheeganayso  ee ay leedahay %70 ayaan qabanay inay  qabatay Boqolkiiba 70 kale oo xaga nagatifka ah . Hanti dhawraha guud ee qaran waa inuu  ummada dada hantideeda ilaaliyaa ma waxaad u isticmaalaysaa Jeedal aad nala dhacayso  wasarad walba oo uu gallo inan reerka kasoo jeeda ayuu soo qabanayaa  Ummada wanjalaada kadaa oo inamada bahdilka ka daa tii Hubkana   waxaanu u aragnaa mid wax lagu yeelayo  amaanka  Gobolka”

 Dhanka kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Qaar kamida Xildhibaanadii halkaasi ku sugnaa oo  dhamaantoodba iyagu ka midaysnaa mabda’a kan  ayaa warbaahinta  uga waramay  sistamka dawlagu  ku shaqayso wasaaradaha, hay’adaha madaxabanaan iyo dhamaanba laamaha inaany  wax muuqda  ka haysan dhanka xilalka.
 

 Xildhibaano  ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka somaaliland  kana soo jeeda Gobolada Awdal iyo Salal  oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargaysa  ayaa si adag  xukuumada  ugu dhaliilay saamiqaybsiga Beelaha Gadabuursi iyo Ciise,

Shirkan jaraa’id  oo ay si wada jira u qabteen  Xildhibaan  Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle , Xildhibaan  Cali Aareeye, Xildhibaan Rashiid Maxamed Ismaaciil (Hoos u jeed), Xildhibaan Axmed Muumin Shibiin, Xildhibaan Diini Cabdillaahi, Xildhibaan Axmed Waabari, Xildhibaan Cabdilqaadir Jibriil Tukaale, Iyo Xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud Jirde iyo waliba xildhibaano kale oo tiro badan  ayaa dhamaantoodba ka ka midaysnaa mabda’an  Saami qaybsiga  kaasi oo ay ku sheegeen  inay garaydh ahaa  xilalka ay xukuumada Siilaanyo ay u magacawday yihiin  Garade C ama kuwa uugu liita xilalka la qabto.

waxa ay si adag uga hadleen dhacdooyinkii Foosha xumaa ee Dilalka ahaa kana dhacay Gabilay iyo Dilla inta u dhaxaysa , Saami-qaybsiga Kuraasta min Wasiir ilaa Agaasime, Ciidamadda kala duwan iyo Barnaamijyadda Horumarinta ah ee Dalka ka socda oo ay sheegeen inay ka qatan yihiin isla markaana aanay ku haysan wax talo ah.

Sidoo kale waxay kaga hadleen Shirkoodaas Jaraa’id kacdoono ay sheegeen Xukuumadda Somaliland inay ka wado Goboladda Salal iyo Awdal oo ay ka soo qaateen koox u dhashay Goboladaasi oo ay dhawaan Ciidamadda Qaranku u dhaadhiciyeen Xabsiga Mandheera iyo Cashuuro ay sheegeen in lagu soo rogay Ganacsigii Dekeddaha Deegaanadaasi.
Dhulka muranku ka taagan yahay ee aan Doorashooyinka laga qaban ee Deegaanka Lughaya ayay iyana sheegeen in wakhtigan lagu jiro Doorashooyinka laga xayiray oo aanay ka dhacayn iyagoo sheegay muddo badan Dhulkaasi Xukuumaddu inay go’aan ka gaadhi kari la’ dahay lahaanshihiisa.

Xildhibaanadan oo tirro ahaan gaadhaayey  16 Xildhibaan ayaa dhamaantoodba iyagu ka midaysnaa fikirkan  isla markaas ku wada Socday waxaana  ugu horeyn halkaasi ka hadlay AxmedYaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Muddane madaxweyne  waxaanu halkan kaaga soo jeedinaynaa tabasho iyo waxaanu tirsanayno oo aanu hore qoraal iyo af iyo adinba kuugu keenay sanad iyo badh ka hore wax aliyaalo wax jawaaba oo aad kasoo celisayna aanay jirin,  baa tirsan waa u noqqotay maanta inay beesha caalamku  maqasho waxaanu qabno  hadaan inay ku joogsado   sooyaalka somaaliland  Dib u dawladayn, Dib u xoreyn, Dib u Heshiisiin iyo dib muqraadiyadayn”.

Sidoo kale Xildhibaanku mar uu ka hadlaayey  dhaqaalaha Gobolka iyo  sida loo maamulo  waxa uu yidhi “Dhaqaalaha lafdhabarbaanu u nahay  waxaana uu sanadkii kor u dhaafaa $12,000,000 qaranka waxbaanu ku darsanaa oo beerahayagaa la cashuuraa oo  guryaha iyo gawaadhidaa la cashuura, kuma nihin qarankan baara sayt/Dulin ku dul nool  laakiin waxaanu nahay muwaadiniin  wax ku darsada Qaranka”.

Ugu danbayntii Xildhibaan Axmed Yaasiin  waxa uu  aad uugu dhaliilay  xukuumada Siilaanyo  inay inta badan ceebayso  dadka iyo  Shaqaalaha kasoo jeeda Goboladaasi  waxaana uu mar kale   yidhi “Balanqaadyada xukuumadu sheeganayso  ee ay leedahay %70 ayaan qabanay inay  qabatay Boqolkiiba 70 kale oo xaga nagatifka ah . Hanti dhawraha guud ee qaran waa inuu  ummada dada hantideeda ilaaliyaa ma waxaad u isticmaalaysaa Jeedal aad nala dhacayso  wasarad walba oo uu gallo inan reerka kasoo jeeda ayuu soo qabanayaa  Ummada wanjalaada kadaa oo inamada bahdilka ka daa tii Hubkana   waxaanu u aragnaa mid wax lagu yeelayo  amaanka  Gobolka”

 Dhanka kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Qaar kamida Xildhibaanadii halkaasi ku sugnaa oo  dhamaantoodba iyagu ka midaysnaa mabda’a kan  ayaa warbaahinta  uga waramay  sistamka dawlagu  ku shaqayso wasaaradaha, hay’adaha madaxabanaan iyo dhamaanba laamaha inaany  wax muuqda  ka haysan dhanka xilalka.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: