War Deg Deg Ah

ImageWaxa maanta lagu dhawaaqay xubnaha golaha wasiirada Ee Xukuumada Federaalka Soomaliya, iyada oo waqti badan la sugaayaya in lagu dhawaaqo wasiiradan, Raysal wasaaraha somaliya mudana Saacid. waxa ay ku qaadatay in uu soo magacaabo wasiiradan cusub muda dheer oo ay uga hadhsanayd uun maalmo waqtii uu dastuurku u saamaxayay in uu ku so magacaabo Golohiisa waziirada.

liiskaan waxaa ku qoran 10 ka wasiir ee uu Galabta Magacabaay Ra’iisulwasaaraha Dowlada Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) Waxaana Ka Muuqda wajic cusub iyo Kuwa hore oo Xilal kasoo Qabtay Dowladihii Hore ee Soomaray Dalka Soomaaliya

Bal Aqriso Wasiirada Iyo Qabiilada ay kasoo jeedaan:

1- Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada (Beesha Dir/isaaq)

2- C/llaahi Abyan Nuur Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta iyo awqaafta(Beesha Dir/Biyo maal)

3- C/xakiin Xaaji Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga (Beesha Raxwayn/Digil)

4- Axmed Maxamuud Xasan Wasiirka Wasaarada Qanacsiga iyo Warshadaha iyo Maalgeshiga(Beesha Raxanweyn /Mirifle)

5-C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Wasaarada Kheyraadka Badda(Beesha Hawiye/Xawaadle)

6- C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka(Beesha Hawiye/H/gidir)

7- Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta Qaranka(Daarood/Majeerteen)

8- C/llaahi Ciilmooge Xirsi Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta(Beesha Daarood,Ogaadeen)

9-  Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska(Beesha Shanaad / Jareerweyne)

10- Maryan Qaasim Wasiirkii Hormarinta adeega bulshada(Beesha Shanaad/Banaadiri).

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: