Reer Saylac iyo Saylicidii Hore.

Hordhac—Bloggers comment

Faisal A Abdi oo ku magac dheer suxufi Abroone ayaa ah nimanka aan had iyo jeer aad ula dhaco qormooyinkoodu aanay i dhaafin, waliba suxufi abroone oo isagu ah ka kaliya ee isagu had iyo jeer xooga saara inuu soo bandhigo taariikhda sooyalka ah ee dadka ka soo jeeda gobolada Awdal, Salal,gabiley, Harawo iyo Jigjiga. Suxufi Abroone oo run ahaantii qaabka qoraalkiisa yahay mid gooni u ah dadka ku hadla afka soomaaliga ayaa jeclaystay inaan silsiladaha qormooyinkiisa ku soo bandhigo boggani.
Bulshada soomaaliyeed oo in tooda badan ay ahayeen xoolo dhaqato nolosha wada wadaagta. Dadka reer seylac aad ayay uga duwanaayeen waxayna toodu ku salaysnayd Ilbaxnimadii Iyo sooyaalkii Boqortooyadii Adal ( AWDAL ) ee taariiqda dheereyd, waxayna ka koobnaayeen jinsiyado kala duwan oo ka kala yimid wadamadda Carabta, Soomaali, Cafar, Turki, Hindi iyo Muslimiinta ku nool dhulka xabashida. dhamaantoodna waxaa la’isku wada odhan jiray Reer Seylac. waxa ugu weyn ee isku xidhi jirayna waxay ahayd Diinta Islaamka oo dhaqankoodu ku Salaysnaa iyo caadooyinkoodaba. waxay ahaayeen dad ka xoroobay aafada Qabiilka iyo waxa la xadhiidha waxaa kale oo ku noolaa Yahuud samayn jirtay Dahabka oo lagu Qadarin jiray Caadooyinkooda iyo waxay aamin-sanyihiin. Reer Seylac waxay ganacsi badeed la lahaayeen Griiga,( Greece ) Shiinaha, ( China ) Roomaanka,( Romania ) iyo dadkii daganaa Koonfurta Hindiya( India ), Roomaanka wuxuu Soomaaliya u yaqaanay ( Gacankii Xawaashyada ). Seylac waxay isku xidhi jirtay Afrika Qaas ahaan Geeska Africa iyo aduunka intiisa kale taasoo badeecadaha lagu kal badalan jiray iyadoo Ay Maraakiibta iyoDoonayaha waaweyniba ukala gooshi jireen Bada Cas ( Red sea ) ilaa Badweynta Hindiya  ( Indian Ocean ) waxaa u daliil ah beydka kamida ciyaaraha seyliciga oo ah:

Reer Suuriyo Reer Saaxil Yimaadee Hoo
Doonyihiin Bombey Ma Birbaa Ku Jaban Hoo

Continue reading