Mujaahid Cabdi Kaamil Cawaale (Mujaahid naftii hure)

Geesnimada waa loo dhashaa ee lama barto, Cabdi kaamil cawaale (naftii hure) waa nin
mutaystay naanaystan muujinaysa dal jacayl iyo geesinimo, waa nin wixii ugu qaalisanaa
ee uu qof haysto u u bixinayay si uu u difaaco dalkiisa.
“Calankayga nuuraw hadii aanan soo noqon Allahayaw ku nabad yeel”
waa ereyo ka soo burqaday Afka mujaahidkan isaga oo cagta ku sii haya toobinkii uu
dalkiisa ku difaaci lahaa misana naftiisa ku sii waayi lahaa, sida ereyada heesta inooga
muuqata maa uu jixin jixin indhahana gabax siin ee waxa uu muujiyay dhiiranaan qalbigana
wuu ka qanacsanaa.

Waxaan ahay naftii hure
Niyadaydu waa meel
Hadii aanan soo noqon
Calankayga nuuraw
Allahayaw ku nabad gali

Warmaheena waa laga waashoo hido weeye, Mujaahid naftii hure waxa uu ahaa Geesi Soomaaliyeed oo ay umada soomaali ku abtirsata oo dhan u ah astaan muujinaysa Dal jacayl, Naf hurid, Karti, Geesinimo iyo raganimo.

Sargaalkii waday maalintaaa ee  sii sagootinayay ayaa markii uu maqlay ereyada ka soo burqanaya cabdi kaamil cawaale, waxa uu ogaaday in macdantan oo kale ayna ahayn in la lumiyo ee waa in uu noqdaa tusaale guud oo lagu daydo.

Mujaahidka markii ay dhamaadeen dagaaladii lagula jiray dawladii Xaq diidka ahayd ee itoobiya madax looga dhigay hoboladii kooxda iftin.

Mujaahidka Allaha u naxariistee waxa uu ku geeriyaday qarax argagixisinimo oo ay jabhad beeleedka ONLF ku soo qaaday bandhig faneed ka dhacayay magaala madaxda gobolka ismaamulka soomali galbeed ee Jigjiga bishii bilawgii july 2007dii isaga oo xiligaa ahaa madaxa fanka iyo suugaanta Gobolka ismaamulka soomaali galbeed.

6 Responses

  1. ABDIKAMIL AWALE FOUNDATION TRUST

    Is an International Organization of Non profit Making Organization based on USA,UK,and Canada.The Mission of This Organization is to
    Fight International Terrorist in The Horn of Africa through education and Technology to Save Somalis not to be influenced by Radical Islamic Groups of AlQa’ida,and To Fight Corruption InCriminals in Africa.thanks.EDUCATION IS OUR POWER!!!!!

  2. Abdikamil Foundation Relief

    Is an international charity,for the development and awareness of Humanity.The vision of this organization is to create a culture of citizenship and professional in our motherland of Ethiopia. Because we lost so many brave and talent men,the liberty ,justice,andthe integrity of our federal constitution….

    http://www.eprdf.com
    http://www.cia.com

    We the peoples,nations,nationality of ethiopia ,shall ever remember,the only somali ethiopian patriot of martyre Abdi kamil Awale.
    http://www.feac.com
    ,

  3. waxaan ilaahay uga baryayaa adeerkay cabdi kaamil cawaale inuusan waayin janadii ale maadaam gacan ka gardarani dishay.waxaan rajeynayaa in wiilashuu dhalay iyo kuwa adeerka uu u ahaaba ay noqondoonaan kuwa loogu jacaylka badan yahay soomaalida .waxaan sameeyey shabkada isku xidhka umada soomaalida kuwooda neceb qabiilka lehna ahmiyad wadaniyeed , ku soo dhawaada http://www.awbare.com
    waxaan isku xidhaynaa bulshada gadabuursiga iyo ogaadeenka si aan isag xoreyno dulmiga SNM

  4. Hadaba Geesiga noo kaca waxaa loogu dadalaa sidii loo aamusiin lahaa. Naftii hure Abdi Kaamil Cawaale dhimay , janada meesha ugu wanaagsan Rabbi ha geeyo. Boqol kale oo naftooda huroyaal ah ayaa soo geli doona meesha. The Power of Gadabuursi will never be bent down. We were there and we shall be there for even. Awdal ha noolato Somaliyana ha midawdo

  5. Hadaba Geesiga

  6. alla naxariisteeh waxaan tacsi u dirahayaa marxuun abdi kaamil cawaale allah ka waraab sho naxariistiisah aamin aamiin

Leave a reply to Hawa Cancel reply