Waxam maanta lagu qabtay shir ay iskugu imaadeen qaar ka mida Golaha Baarlamaanka Iyo Guurtida ee ka soo jeeda gobolada galbeedka ee soomaalilaand, ujeeda ugu wayn ee shirkan ka danbaysay waxa ay ahayd in mar labaad ku celiyaan fariin ay hore ugu direen Madaxda dawlada Soomaalilaand oo wax jawaaba ka bixin fariimihi hore ee ay u direen oo iskugu jiray qoraalo iyo warbixnaba waa siday hadalka u dhigeene. Halkan Ka Akhriso warbixintasi o dhamaystiran :- Continue reading →
Waxa maanta lagu dhawaaqay xubnaha golaha wasiirada Ee Xukuumada Federaalka Soomaliya, iyada oo waqti badan la sugaayaya in lagu dhawaaqo wasiiradan, Raysal wasaaraha somaliya mudana Saacid. waxa ay ku qaadatay in uu soo magacaabo wasiiradan cusub muda dheer oo ay uga hadhsanayd uun maalmo waqtii uu dastuurku u saamaxayay in uu ku so magacaabo Golohiisa waziirada. Continue reading →
Qoraalkan waxa laga soo qaatay buuggii uu qoray I.M Lew see “Dimoqraaddiyadda xoolodhaqatada: Daraasad laga sameeyey xoolodhaqaqatonimada iyo siyaasadda ee ka jirta reer woqooyiga
Xoolodhaqatada soomaaliyeed waxay leeyihiin dhawr munaasabadood oo si weyn loogu dabbaaldago iyo xusas yar yar. Haddaba xiisaha ay leedahay awgeed, waxan halkan ku soo koobay hannaanka loo agaasimo xaflad dhaqameedyada gadabuursiga oo dhammaystiran oo aan ka helay Cabdiraxman Sheekh Nuur, oo ah qaaddiga sare ee Borame.
Marka xafladdan la qabanayo, waxa meel dhir hadhac ah iyo biyoba leh iskugu yimaadda muddakarka reeraha. Halkaas waxa lagu soo bandhigaa suugaan iyo ciyaaro kala duwan dabadeedna halkaa lagu qalo xoolihii loogu talogalay ducada iyo dabbaaldegga. Waxa si feejiga leh loo eegaa xiddigaha si loo ogaado godka hoodada habeenkaas, halkaas oo doorashada ugaaska cusubi ku xidhan tahay sifaha laga rabo god-xiddigeedka halkaas ka soo baxay. Murashaxiintu waa inay ahaadaan wiilasha ama walaalaha ugaaskii hore oo hooyadii la bilcamay, horena loo soo furin, oo aan la dumaalin.
Subaxnimada hore ee maalin isniineed, ayaa nin reer nuur ahi (laandheeraha gadabuursiga) ubax ama caleemo qoyan saarayaa ugaaska. Dabadeedna dadkii kale oo dhammina ka daba raacayaan caleemo saarka. Ninkaa caleemo saarka bilaabayaa waa inuu noqdaa nin hodan ah oo leh xoolo badan, afar xaas iyo wiilal badan. Rag jilibka maxaad Muuse ah ayaa u keenaya ugaaska afar gorof oo caana ah, gorof caano geel, mid lo’ah, mid ido ah iyo mid riyo ah. Ugaasku wuxu qaadanayaa afarta gorof ee caanaha midkood isagoo waxoogaa ka cabaaya. Haddii uu gorofka caanaha geela cabbo waxa barakoobi doona geela, haddii ka riyaha uu cabbo riyaha ayaa barakoobaya, kuwa kalena sidoo kale. Intaa dabadeed waxa loogu sadqaynayaa wan afar jir ah. Waxa timaha ka xiiraya nin gadabuursi ah kana bixinaya dharkii hore ee uu xidhnaa isla markaana u labisaya dharkii ugaasnimo. Waxa cumaamadda u xidhaya nin Yoonis ah waxana dharkii laga beddelay qaadaya niman jibraacin ah.
Dabadeed ugaasku wuxu fuulayaa faraskiisa ugu fiican isagoo u baqoolaya ceelka la yidhaa Rugay ee u dhaw Geerisa oo ku taal dhinaca xeebta. Ceelku waa mid aad u biyo macaan. Ugaasku wuxu ku fadhiistaa dhagax-cad Ceelka korkiisu leeyahay. Waxa halkaas ugu maydha walaalkii ama nin xigtadiisa ugu dhaw ah. Kadib wuxu ku soo laabtaa madashii dadweynuhu ku sugnaayeen, halkaas oo mar kale loogu caleemo saaro looguna sacabtumo. Waxa dib u bilaabma ciyaaro dhaqameed iyo dabbaaldeg. Ugaasku wuxu jeediyaa khudbad uu dadkiisa ugu ducaynayo isagoo ilaahiisa uga baryaya inuu ugu deeqo nabadgelyo buuxda, caano badan iyo roob – Sareedo iyo barwaaqo ( nabad iyo caano). Markaa ka dib haddii uu roob dao’dadku waxay yiqiinsanayaan in boqorkaasi yahay mid hoggaankiisu hoodo iyo cawo badan leeyahay. Maaddaama sida caadada ah ay xafladdani dhacdo xilli roobaadka karanta waxay u badan tahay in roobkaasi dao’. Waxa ugaaska la siiyaa aqal cusub oo agabkiisu u dhan yahay waxana loo doonaa gabadh. Waa inay ka soo jeeddaa qoys sharaf leh, islamarkaana ay noqotaa gabadh ay dhashay hooyo la bilcamay (aan hore loo guursan) oo guurkeedii koowaad ku eg. Yaradka waxa wada bixiya gadabuursiga oo dhan si ay u sugaan mansabkani inuu yahay mid dhex u ah. Qoryaha rayfallada iyo wixii kale ee hub dagaal ahiba kama mid aha yaradka la bixinayo. Wixii kasta ee ugaaska la guddoonsiinayaa waa inuu noqdaa mid dhiirigelinaya nabadda iyo naaloodka.
11kii December 1884kii bil kabacdi markii albaabada loo furay Heshiiskii Berlin ee lagu Qaybsanayay Qaarada Afrika, Ayaa Sargaalo Matalayay Imbaraadooriyadii Ingiriisku ay u soo guntadeen sidii ay si buuxda gacanta ugu dhigi lahaayeen, dagaanadii loogu qorsheeyay heshiiskaas.
Iyaga oo adeegsanaya khibrado iyo warbixino farobadan oo ay ka heleen Sahamiyayaashii ay u dirsadeen bariga afrika oo uu ugu Caansanaa ragaasi sir Richard Burton , ayaa waxa ay bilaabeen in ay heshiis la galaan beelihii Soomaliyeed ee ku dhaqanaa dagaanadaas gaar ahaan kuwii la dherernaa xeebta badda cas.
Beelahaas soomaliyeed Waxa ka mid ah beesha Gadabuursi, Ahaydna Beeshi ugu horaysay ee ingiriisku heshiis la saxeexdo, Heshiiskaas oo ka dul dhacay markabkii ay wateen Saraakiishaasi Taariikhdu Markii ay ahayd 11 Dec 1884, Heshiiskaas oo ahaa mid lagu saxeexay saan.
Saanta Heshiiska lagu kala saxeexday waxa kaydiyay Xaaji Jaamac Muxumad Ugaas Cilmi oo ka dhaxlay Awawgii Ugaas Cilmi oo ka mid Odayadii Heshiiska u saxeexay Beesha Gadabuursi. Xaaji Jaamac (Alle u naxariistee) ayaa saantan soo bandhigay 1974 halkaas oo lagu soo qoray wargayskii xidigta oktoobar. waxa sidoo kale lagu soo bandhigay machadkii akaadamiyada dhaqanka iyo taariikhda ee soomaaliyeed, Xafladii bandhigana ay ka soo qayb galeen saraakiil sarsare oo ka tirsan xukuumadii jamhuuriyada soomaliyeed. Halkaas ayaa waxa la dhigay nuskhooyin ama koobiya ka mid ah heshiiskan sidii cidii taariikhda baadhaysaa ay u hesho. Haddana waxaan halka idiin ku soo bandhigayaa nuqulkii Heshiiskaas Anglo-Gadabuursi Treaty.
we, the undersigned Elders of the Gadabursi tribe, are desirous of entire into an agreement with the British Government for the maintenance of our independence, the preservation of the order, and other good and sufficient reasons.
Now it is hereby agreed and covenanted as follow:
Article I The Gadabursi tribe do hereby declare that they are pledged and found never to cede, sell, mortgage or otherwise give for occupation, save to the British government, any portion of the territory presently inhabited by them or being under their control. Continue reading →
Bilowgii Octoober 1903, ayay boqortooyada Ingiriisku amar ku soo saartay in socdaalkayagan dhakhso loogu baxo dhinaca xuduudda Abaysiiniya ilaa laga gaadho Jufa-mici dheer, halkaas oo aniga iyo kooxdaba la rabay in aan kula kullanno caaqil ama hoggaamiye dhaqameed, ay qunsulliyaddii Saylac u xilsaartay in uu na soo mariyo dhulka gadabuursiga oo gadhwadeenna noo noqdo. Meeshan oo ku taalla xuduudda u dhexaysa maamullada Ingiriiska iyo Abaysiiniya, qayb ahaanna ka tirsanayd dhulka loo aqoonsan yahay in Abaysiiniya xukunto. Baaq ugaaska naga soo gaadhay oo ahaa in uu soo dhaweynaayo wada hadal, ayaa keenay dareemmo isku dhafan, maxaa yeellay waxa jirtay munaasabad hore oo uu si hagar la’aan ah ugu soo dhaweeyay sahan reer yurub ah, hase yeeshee ku gabagabootay hagardaamooyin dhawr ah.
11-UGAAS NUUR UGAAS ROOBLE:-Haddana waxa boqornimadii qaaday wiilkiisii Ugaas Nuur Ugaas Rooble,wuxuuna ku dhashay gobolka Awdal kolkuu sanadku ahaa 1835kii miilaadiga,hooyadiina waxay ahayd Maro Geedi wuxuuna boqornimada qaaday markay taariikhdu ahayd ahayd 1848dii,boqornimadiisa waa dhamaa,waxana lagu boqray ceelka la oran jiray Bagi,sidii caadudu ahayd wuxuuna ahaa nin midab ahaan Maariin oo aad u dheer,gadh yarna wuu lahaa wuxuuna ahaa nin lugo waawayn oo gacmo dheer,lahaana indho yaryar,wuxuuna ahaa nin fardo fuulka jecel iyo ugaadhsiga,wuxuuna ahaa hadalka miisaama wuxuuna ahaa nin wixii mahmaah ahaa ee Somalidu ku hadli jirtay wadda yaqaanay oo dusha ka wada hayay,wixii maahmaah ah ee lagu hadlana waxaa loo nisbayn jiray isaga.
Waxa Ugaaska laga hayaa in uu yidhi kalmad dhagahayga gashay amaba aan maqlay ma iloobin.
Ugaas Nuur wuxuu ahaa nin ilaah raganimo u dhameeyay oo aanay waxba ka dhinayn,wuxuuna ahaa gabayaa wayn oo anuu jirin Somali nin la gabay ahi,wuxuuna tiriyay gabayo badan oo siyaasadda iyo xikmad ah sidan ku sheegi qaarkood xaga dambe ee taariikhda Ugaas nuur,waxan laga hayaa inuu ugaas Nuur yidhi kol haddii aan gabay maqlo ma iloobin,wuxuuna xafidsanaa gabayo badan waxana ka mid ahaa gabayadaas gabayo ay tiriyeen Ugaasyadii ka horeeyay iyo kuwo ay tiriyeen rag somaliyeed sida Raage Ugaas. Continue reading →
Hadana waxa qaaday walaalkii Ugaas Nuur Ugaas Cabdi,taariikhdu markay ahayd 1698 Miiladiga,waxana lagu caleema saaray Bagi,waana loo dhamaa boqornimadiisa waxana uu dhashay meesha la yidhaah Haliso (ee Boorama u dhow) hooyadiina waxa la odhan jiray Aamina Bare.
Wuxuuna nin aad u cad oo sunayaal waawayn aadna waa uu dheera,wuxuuna ahaa geesi nin geesi ah oo arimahana aad u fiiriya,waxa kale oo uu ahaa nin qani ah deeqsina ah siyaasadana ku xeel dheer dagaalkana aad u jecel.Wuxuu nin jar iska xuura oo aan cidnaba ka baqayn tolkiina aad u jecel yihiinwaxana la sheegay in markii uu boqonimada qaaday uu damcay in uu sameeyo khiyaamo uu ku khaarajiyo boqorkii Gaalaha ee Aale-Boore. Continue reading →
Faisal A Abdi oo ku magac dheer suxufi Abroone ayaa ah nimanka aan had iyo jeer aad ula dhaco qormooyinkoodu aanay i dhaafin, waliba suxufi abroone oo isagu ah ka kaliya ee isagu had iyo jeer xooga saara inuu soo bandhigo taariikhda sooyalka ah ee dadka ka soo jeeda gobolada Awdal, Salal,gabiley, Harawo iyo Jigjiga. Suxufi Abroone oo run ahaantii qaabka qoraalkiisa yahay mid gooni u ah dadka ku hadla afka soomaaliga ayaa jeclaystay inaan silsiladaha qormooyinkiisa ku soo bandhigo boggani. Bulshada soomaaliyeed oo in tooda badan ay ahayeen xoolo dhaqato nolosha wada wadaagta. Dadka reer seylac aad ayay uga duwanaayeen waxayna toodu ku salaysnayd Ilbaxnimadii Iyo sooyaalkii Boqortooyadii Adal ( AWDAL ) ee taariiqda dheereyd, waxayna ka koobnaayeen jinsiyado kala duwan oo ka kala yimid wadamadda Carabta, Soomaali, Cafar, Turki, Hindi iyo Muslimiinta ku nool dhulka xabashida. dhamaantoodna waxaa la’isku wada odhan jiray Reer Seylac. waxa ugu weyn ee isku xidhi jirayna waxay ahayd Diinta Islaamka oo dhaqankoodu ku Salaysnaa iyo caadooyinkoodaba. waxay ahaayeen dad ka xoroobay aafada Qabiilka iyo waxa la xadhiidha waxaa kale oo ku noolaa Yahuud samayn jirtay Dahabka oo lagu Qadarin jiray Caadooyinkooda iyo waxay aamin-sanyihiin. Reer Seylac waxay ganacsi badeed la lahaayeen Griiga,( Greece ) Shiinaha, ( China ) Roomaanka,( Romania ) iyo dadkii daganaa Koonfurta Hindiya( India ), Roomaanka wuxuu Soomaaliya u yaqaanay ( Gacankii Xawaashyada ). Seylac waxay isku xidhi jirtay Afrika Qaas ahaan Geeska Africa iyo aduunka intiisa kale taasoo badeecadaha lagu kal badalan jiray iyadoo Ay Maraakiibta iyoDoonayaha waaweyniba ukala gooshi jireen Bada Cas ( Red sea ) ilaa Badweynta Hindiya ( Indian Ocean ) waxaa u daliil ah beydka kamida ciyaaraha seyliciga oo ah:
Reer Suuriyo Reer Saaxil Yimaadee Hoo
Doonyihiin Bombey Ma Birbaa Ku Jaban Hoo Continue reading →
Gabaygan waxa tiriyay (AU) abwaan Axmad Muuse Dugsiiye (Laangadhe) sanadkii 1993kii. Abwaanka oo ka waramayay tafaraaruqa lasoo darsay reer Awdal wakhtiyadii dambe siiba inta ay jirtay dowlad lagu sheega Somaliland, saamigoodiina la duudsiiyay iyagoon danta guud ilaaway oo ay noqotay qof walba dantiisa uun.
Abwaanku isaga oo dadka la hadlaya wuxuu yidhi:
Nin seexdow sacaa dibi dhal
oo saamigaa dhimaye
sidri daa ma jiidhee
waxaan saadiyaa dhacay
saddex qolo intaan nahay
ee laysku soofeeye
een saw ku kale qaybsanahay
ee qaarba dhan u soofo
Sumadii gumaystaha intaa Continue reading →
Courtesy of Saylac.com:-Sida ku cad buuga tariikhda qadiimka ee Adal lagu qoray waxa markii ugu horeysay tariikhda loo soo saarey wakhtigii iyo magacyadii Ugaasyada Beelaha Samaroon iyo goobtii lagu caleemo saarey ee dhulka la odhan jiray Adal waxayna kala yihiin sidatan hoos ku qoran:
Tiradii Ugaasyada Beelaha Samaroon ayaa lagu sheegay 60 Ugaas waxaana ugu magacyo weynaa 16 Ugaas ee hoos ku qoran ( Tariikhda boqortooyada Adal) found by Saylac Media at Harar Old Museum .
This is an abstract from “A pastoral democracy:a study of pastoralism & politics among the norther…..” A book by I.M Lewis
The pastoral Somali have few large ceremonies and little ritual. for its interest, therefore I reproduce here a summary of a very full account of traditional Gadabuursi installation ceremony given me by ‘Abdurahmaan sheikh nuur, the present governor Kadi of Borama. Clansmen gather for the ceremony in well wooded and watered place. There is singing and dancing, then stock are slaughtered for feasting and sacrifice. The stars are carefully watched to determine a propitious time and Continue reading →
Waxa uu bogga samaroon.wordpress.com uu tacsi u dirayaa qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen shuhadadii gardarada lagu dilay waxa aanan eebo uga baryaynayaa inuu janadii fardawsa ka waraabsho.
Marka hore waxaan jecelahay in aan tacsi u diro dhamaan eheladii iyo qaraabadii nimankii ku shahiiday falkii cunsuriyada ahaa waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu janada fardawsa ka waraabiyo.
Waxa ah shay laga gubto, jidhku iyo jiidhku ka dubaaxsho, maankuna ka yalaalugoodo dhacdadan cunsuriga ah kuna salaysan qabyaalada ee lagula kacay shacabka Gobolka awdal ama Qabiil waynaha Gadabursi . Continue reading →
Suleiman Abdi Dugsiye: Waxaan la hureyn horaa loo yeelaa waa odhaah hodan ah oo waxsheeg iyo tusaaleba leh. Aleylehe hadal waa intii hore loo yidhiye si adag ma ku bartey (learned the hard way). Maanta nafteydaa jeclaatey in aan kusoo qoro maqaalkan afkeena hooyo ee hodanka ah ee aan cudurdaartee dhowr jeer baa la iigu dhawaaqey inaanan ku fiicneyn qoridda xarfaha laban laabma ee hadii aan qori waayo laban laabka, fadlan akhriska ku laban laaba. Continue reading →
Geesnimada waa loo dhashaa ee lama barto, Cabdi kaamil cawaale (naftii hure) waa nin
mutaystay naanaystan muujinaysa dal jacayl iyo geesinimo, waa nin wixii ugu qaalisanaa
ee uu qof haysto u u bixinayay si uu u difaaco dalkiisa.
“Calankayga nuuraw hadii aanan soo noqon Allahayaw ku nabad yeel”
waa ereyo ka soo burqaday Afka mujaahidkan isaga oo cagta ku sii haya toobinkii uu Continue reading →
This is an article I read once, it was great and from and from an exceptional Awdalite mr. Suleiman dugsiye, actually my favorite concerning the Awdal issues. So enjoy it too.
By Suleiman Abdi Dugsiye: I drove to Montreal for a business trip (2 hours drive) last Thursday. To entertain myself I selected the best CDs of classic Somali songs and poems from my collection. From song to song, I enjoyed and sometimes sang along. Without any dull moment, I found my self covered half way the trip. I decided to change the course and listen to a Somali gabey. Continue reading →
It was on the 13th century that came to the light, in Horn of Africa, one of the strongest Empire that existed in East Africa. Adal Empire had its origine in the city of Zeyla, situated until today in the northern region of the former Democratic Republic of Somalia. The father of that State was King Omar D. Ahmed (nicknamed Aw-Barkhadle). The king who had a long live, occupied the throne for many years. When he passed away, he left behind him many children, mainly males. Among them, the successors to the throne who inherited the kingdom. Later, Adal Empire became an Islamic Empire that expanded the religion of Islam with determination, into the entire Horn of Africa. Remarked by its faithful actions, other Islamic States in the world called Adal Empire “Diraasal-Islaam”.
Saylac, a historical place that can be Described as the Eldorado of Somaliland or generally for all the Somali ethnic group is telling a story of its legacy.